4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2012
Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya oo Kenya uga tacsiyeeyay Geeridii Wasiirkoodii Ammaanka Gudaha

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaalia, Danjire Abuubakar Diarra ayaa dowladda iyo shacabka Kenya uga tacsiyeeyay geeridii wasiirka amaanka gudaha dalkaas, ku xigeenkiisii iyo afar qof oo shalay ay diyaaradi kula dhacday dhuleeka Kenya.

Wasiirka amaanka gudaha Kenya, GeorgeSaitoti, ku kaaliyihiisii, OrwaOjodeh, laba ka mid ah ilaaladooda iyo laba duuliye ayaa ku dhintay shilka diyaaradeed xilli ay ku socdeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Danjire Diarra wuxuu sheegay in maqalka warka ku saabsan geeridii mas'uuliyiinta Kenya uu aad uga naxay. isagoo sheegay inuu tacsi geeridaas ku saabsan u dirayo shacabka iyo xukuumadda Kenya.

"Prof. Saitoti wuxuu ahaa shaqsi fure u ah siyaasadda Kenya, wuxuuna u taagnaa sidii ay Kenya ugu guuleysan lahayd dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka arrimaha bulshada. Wuxuu ahaa nin wanaagsan oo jecel in ujeeddooyinkiisa uu ugu dambeyn gaaro," ayuu yiri dajire Diarra.

Sidoo kale, dajire Abuubakar Diarra wuxuu sheegay in Saitoti ay ka go'anayd inuu guulo ka gaaro nabad lagu soo dabbaalo gobolka Bariga Afrika oo dhan iyo dalka Kenya iyo kuwa dariska la ah ay ku noolaadaan nabad iyo daris-wanaag.

Ugu dambeyn, dajire Diarra ayaa ku sheegay geerida Saitoti musiibo weyn oo ku dhacday dalka Kenya, iyadoo xukuumadda Kenya ku dhawaaqday in muddo saddex casho ah baroor-diiq loo sameeyay wasiirka geeriyooday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya