3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2012
Madax-dhaqameedka Gobollada Awdal iyo Selel oo sheegay in abaaro ay ku dhufteen deegaannadaas kuna baaqay in loo gurmado

Axad, June 10, 2012 (HOL) — Madax dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka Awdal, ayaa ku baaqay shir Qaadhaan ururin ah oo loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan gobolada Awdal iyo Selel, kuwaas oo bilihii u dambeeyey laga soo sheegayey in xaalad aad u adag oo dad iyo duunyaba ku jiraan ay ka jirto deegaanadaasi.

Shirkan ay madax dhaqameedka, Siyaasiyiinta iyo culimadda gobolada Awdal iyo Selel ku yeesheen Hotel Rays ee magaaladda Boorame, ayaa lagaga dhowaaqay in bishan june 14 keedda lagaga tashan doono gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu halageeyeen ee ku dhaqan labadan gobol, waxaanay masuuliyiinta goleyaasha qaranka ku jira iyo ganacsataddaba ugu baaqeen in dadkaasi iyo xoolahaasi loo gurmado, isla markaana hay’adaha samafalka iyo wasaaradda caafimaadkuna qayb ka qaataan gurmad loogu jiro sidii loo badbaadin lahaa dadkan abaaruhu saameeyeen.

Kulan waxa ka hadlay Suldaan Faarax maxamuud(Gaangiile), Suldaan Ibraahim jaamac Samatar, Suldaan Cabdiraxmaan jamac Dhawal, Suldaan Cabdi Xasan iyo Sheekhul baladka magaalada Boorame Sheekh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar iyo Aqoonyahano oo dhamaantoodba ka hadlay dhibaatadda abaareed ee goboladan la soo deristay.

"1-in dhamaan gobolada Awdal iyo Salal dadka u matala golayaasha qaranku lagu war galiyo inay kasoo qayb galaan shir wayne lagaga hadlayo xaalada abaaraha oo ka dhici doona magaalada Boorama.

2- In Dhamaan dadka kasoo jeeda gobolada Awdal iyo Salal ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay gurmad ka galaan sidii ay gacan buuxda uga gaysan lahaayeen abaarta riiqda dheeraaday ee ka jiran deegaamadaas oo loo magacaabay gudi iskugu jirta culumaa’udiin iyo Aqoon yahano sidii kaalmadaas loo ururin lahaa loona gaadhsiin lahaa dadka ku tabaalaysan deegaamadaas.

3- In hay’adaha dawliga iyo kuwa samafalka ah ee ka shaqeeya caafimaadka ay gurmad degdeg ah ka gaystaan dadka ay halakeeyeen abaaruhu oo qaarkood nafaqa darro iyo la il daran yihiin."ayaa lagu yidhi war-murtiyeedkaasi ka soo baxay madax dhaqameedka gobolka Awdal iyo Selel.

Si kastaba ha ahaatee, deegaanadan ayaa gugii sanadahan la sugayey helin wax Roob ah, isla markaana bilihii u dambeeyey laga sheegayey in abaar aad u daran oo xoolihii ku dhamaadeen ay ka dhacday deegaankaasi, kuwaas oo u baahan gurmad si dadka loo badbaadiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
6/10/2012 10:07 AM EST
Axad, June 10, 2012(HOL): Shirkii looga hadlayay arrimaha ammaanka iy o nabadgelyada dalalka Geeska Afrika ee ka socday Magaalada Lund ee dalka Sweden ayaa maanta la soo gebagebeeyay, iyadoo uu socday muddo seddex maalmood ah.

6/10/2012 9:36 AM EST
Kulan ay soo qabanqaabisay wasaarada dastuurka Soomaaliya ayaa waxaa isugu yimid gudiga loo saaray dib u habaynta dastuurka oo ay xubno ka yahiin wakiilo ka kala socda saxiixayaasha Roadmapka.

6/10/2012 8:41 AM EST
Axad, June 10, 2012 (HOL) — Guddiga madaxa-bannaan ee dastuur u sameynta Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta kasoo saareen kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku sheegeen in dastuurka uu weli gacantooda ku jiro, ayna bishan 16-keeda u gudbin doonaan qaybaha bulshada si ay talooyin uga bixiyaan.

6/10/2012 7:09 AM EST
Axad, June 10, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa iska fogaysay inay wax lug ah ku lahayd go’aankii maxkamadda gobolka Hargeysa ka soo baxay ee lagu xukumay masuuliyiintii lagu eedeeyey lunsiga Raashinka Mucaawimadda, taas oo baryihii u dambeeyey xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ku eedeeyeen inay xukuumaddu farogalisay kiiskaasi.

6/10/2012 7:07 AM EST
Axad, June 10, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo kaaliyaha xogyaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Johnnie Carson ayaa soo gaaray Muqdisho iyagoo kulammo la leh madaxda dowladda KMG Soomaaliya.

6/10/2012 6:40 AM EST
Axad, June 10, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan iyo xubno isugu jira qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin odayaal dhaqameed, ayaa maanta ka dhoofay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

6/10/2012 6:35 AM EST
Axad, June 10, 2012 (HOL) — Wasiirka amniga gudaha Kenya Prof George Saitoti iyo kuxigeenkiisa Orda Ojode iyo afar kale ayaa maanta ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Duleedka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

6/10/2012 3:45 AM EST
Axad, June 10, 2012 (HOL) — Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay qayb weyn ka qaadanayso dadaallada caalamka ee lagu doonayo in dib loogu soo celiyo nabaddii iyo kala dambeyntii ka jirtay Soomaaliya kaddib 21-sano oo dagaallo ay ka jireen.

6/10/2012 3:40 AM EST
Axad, June 10, 2012 (HOL) — Saraakiisha hogaamineysa ciidmaada dowladda KMG ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ay duulaan ku yihiin magaalooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

6/10/2012 3:07 AM EST
Axad, June 10, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Ahlusunna ee ku sugnaa ay saakay isaga baxeen degmadaas, iyadoo ay gudaha u galeen xoogagga Al-shabaab.