4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 1 , 2012
Shirka Soomaalida uga socda Turkiga oo maanta looga hadlayo Siyaasadda iyo Somaliland oo ka baxday

Jimco, June 01, 2012 (HOL) — Shirka Soomaalida ee dalka Turkiga ka socda oo maanta galay maalintiisii labaad ayaa looga hadlayaa arrimaha siyaasadda iyadoo lagu soo qaadi doono Roadmap-ka, waxaana shirka isaga baxay ergadii ka socotay Somaliland.

Maanta ayaa waxay siyaasiyiinta Soomaalida ka doodayaan sidii lagu dhameyn lahaa xiliga KMG-ka ah, sidoo kalena dalka uu uga bixi lahaa qalalaasaha dhinaca siyaasadda ah ee uu muddada dheer kusoo jiray.

Gabgabada shirka ayaa lagu wadaa in lasoo saaro qariidad cusub oo loo asteyn doono sidii wax looga qaban lahaa Soomaaliya illaa 2015-ka, iyadoo lagu wado inay dalalka ka qaybgalaya ballanqaadaan in Soomaaliya la samata-bixiyo.

Ergadii ka socotay Somaliland oo ahaa afar wasiir goobjoogna ka ahaa shirkii shalay ee looga hadlay dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib u dhiska ayaa waxay ku dhawaaqeen maanta inay isaga baxeen shirkaas.

"Shirka maanta ma ahan mid innaga na quseeysa, sidaa daraadeed way ka baxeen eradii noo joogtay Istanbuul," ayuu yiri sarkaal sare oo Somaliland ka tirsan, iyadoo shirkan uu noqonayo kii labaad oo looga hadlayo arrimaha Soomalaiya oo ay ka qaybgasho Somaliland.

Xubno ka socda 54-waddan oo dunida ka tirsan ayaa shirkaas ka qaybgalaya, sidoo kale waxaa ku sugan goobta madaxda Soomaalida, iyadoo dunidu ay u muuqato inay isku dayayso in Soomaaliya loo xaalad ka duwan kii ay 20-sano ka badan kusoo jirtay.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya