4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2012
Murashaxa Dr. C/raxmaan Macallin Baadiyoow oo soo jeediyay in loo diyaar-garoobo Tartan doorasho oo xalaal ah

Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Dr. C/raxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow) oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa soo jeediyay in loo diyaar-garoobo tartan doorasho oo xalaal ah, xilli uu warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Murashaxa oo horraantii bishii Juun ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorasho xalaal ah oo dalka ka dhacda ay tahay midda keliya ee badbaadin karta Soomaaliya.

"Doorashada dhacaysa waa inay noqotaa mid lagu soo xusho shaqsi Soomaaliyeed oo dalka ku hoggaamin kara cadaalad kana bixi kara dhibaatada muddada dheer soo jirtay,' ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyoow.

Sidoo kale, murashaxu oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in isbedelka cusub ee uu doonayo uu yahay sidii ummadda Soomaaliyeed wax wanaagsan loogu horseedi lahaa loona horumarinta aqoonta dhalliyarada Soomaaliyeed.

"Labaatankii sano ee ugu dambeeyay degmo kasto oo Soomaaliyeed waxaan ka sameysay aniga iyo saaxiibbadey iskuullo waxbarasho, xarumo dib u heshiisiineed iyo goobo caafimaad oo dadka lagu daweeyo," ayuu yiri Dr. Baadiyoow.

Wuxuu ku baaqay inaan la faragelin odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho, isagoo ku boorriyay inay iyaguna mas'uuliyadooda qaataan si dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo samata-bixiyo.

"Odayaasha wax badan ayay yiraahdeen hoggaanka dalka wuxuu gacanta u galay kooxaha hubeysan, laakiin maanta waa doorkoodii oo iyaga ayuu masiirka dalka gacanta ugu jiraa ee waa inaysan baylihin," ayuu yiri murashaxa.

Ugu dambeyn, murashaxu wuxuu sheegay in loo sinnaado dhaqaalaha dalka marka doorasho ay timaaddo, sidoo kalena wuxuu ku baaqay in warbaahinta loo sinnaado si murashax walba uu xaqiisa ku helo.

Maanta ayaa waxaa u buuxsamaysa Dr. C/raxmaan Baadiyoow bil tan iyo markii uu dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, iyadoo hadalkiisa uu imaanayo xilli ay murashaxiinta kale ku baaqayaan in loo sinnaado dhaqaalaha iyo warbaahinta dalka inta lagu jiro ololaha doorashada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya