4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2012
Wafdi ka Socday Hay'adda NRC iyo Dowladda Kenya oo Dhoobley kulamo kula qaatay Saraakiisha DKMG iyo kuwa Raaskaambooni

Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Wafdigan oo ka socda Hay'adda NRC islamarkaasina ay wehlinayeen wufuud ka socota dowladda Kenya ayaa magaalada Dhoobley kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ee ka dagaalama gobollada Jubooyinka.

Wafdiga ka socday hay'adda NRC ee dalka Norway ayaa waxaa wehlinayay madax katirsan dowladda Kenya oo uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamanka dalka Kenya Faarax Macalim Dawaara, Waxaana ujeedada wafdigu ahayd in ay u mahadceliyaan ciidamada dowaladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni ee dhawaan soo furtay shaqaalihii Hay'adda NRC ee laga soo afduubtay gudaha dalka Kenya.

Wafdiga ayaa markii uu yimid magaalada Dhoobley waxa kusoo dhaweeyay saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni, waxaana wafdigu uu kulan la qaatay madaxda dowladda KMG ee gobollada Jubooyinka.

Kulanka ayaa waxa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha ururka Raaskaambooni Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe), Taliyaha ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka Gen Ismaaciil Saxardiid, iyo saraakiil kale oo badan, waxaana Madaxdii goobta ka hadashay ay uga mahadceliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni howlgalkii ay kusoo furteen shaqaalaha Hay'adda NRC ee Afduubka loo heystay.

Sidoo kale madax ka socotay hay'adda NRC ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni uu ahaa mid geesinimo ah, waxayna sheegeen in aduunweynaha uu ogaaday in Soomaalida aysan isku raaceyn qaladka, waxayna ballan qaadeen in ciidamada dowladda ay ka caawin doonaan dhanka farsamada.



Kadib markii uu shirka dhamaaday ayaa waxa kulan gaar ah isugu yimid madaxda dowladda KMG, Kuwa raaskaambooni iyo wafdigii ka socday dowladda Kenya ee uu hogaaminayay gudoomiyaha baarlamanka Kenya, waxaana ilaa imika la garaneyn waxyaalaha ay diirada ku saareen kulankooda.

Booqashada wafdigan ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Raaskaambooni ay soo furteen shaqaale Ajnabi ah oo kooxo hubeysan ay kasoo afduubteen xerooyinka Dhadhaab ee ku yaal gobolka Waqooyi bari Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya