4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2012
Madaxweyane Sheekh Shariif oo booqday Xarunta Shirkad Lacago u daabacaysa Soomaaliya oo ku taalla Suudaan

Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqday xarunta shirkad lacago u daabacaysa Soomaaliya oo ku taalla dalka Suudaan, isagoo kulan la qaatay madaxa shirkaddaas daabacaadda sameysa.

Sheekh Shariif ayaa kala sheekeysay madaxa shirkaddan, Inj. Maxamed Xasan Al-Bahi daabacaadda lacagta iyo sida loo ilaalin karo ammaanka lacagtaas si looga hortago in la been abuuro.

"Farsamada aan sameynta lacagtan u istimcaalayno waa mid aad casri u ah oo aan la been abuuri karin," ayuu yiri Inj. Al-Bahi oo warbixin kooban siinayay madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay sannad ka hor ka dalbatay shirkaddan fadhigeedu yahay dalka Suudaan inay u daabacdo shillin Soomaali ah oo lagu bedelo midda hadda shaqeynaysa, si looga hortago sicir-bararka baahay ee hadda jira.

Inj. Al-Bahi ayaa u sheegay madaxweynaha Soomaaliya in shirkaddiisu ay xiriir la leedahay 30-banki oo caalami ah, sidoo kalena ay daabacdo kaarar kala duwan iyo baasaboorro caalami ah.

Ugu dambeyn, madaxa shirkadda wuxuu sheegay inay ka hortagayaan isku-day walba oo lagu been abuuri karo lacagta cusub ee Soomaaliya ay u sameynayaan, isagoo xusay inay sameyn doonaan qalab lacagta lagu xisaabiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya