4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2012
Dood-cilmiyeed looga hadlay doorka Odayaasha Dhaqanku ku yeelan karaan Nabad-gelyada oo Muqdisho lagu qabtay

Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Dooddan oo ay ka qaybteen odayaal dhaqan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay'adda midnimada dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS oo ay ka qayb-galeen odayaal-dhaqameedyo, waxaana looga hadlay doorka ay ku yeelan karaan odayaasha dhaqanka ka qaybqaaadasha sugidda ammaanka.

Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar Ganey) oo doodda furay ayaa sheeagy inay faa'iidooyin badan ka heleen kulammada ay u qabato hay'adda UYS, isagoo xusay in wacyi-gelinnadii la sameeyay ay wax badan ka bedeleen fikirka odayaasha.

"Odayaasha dhaqanka waxay door ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, waxay gacanta ku hayaan masiirka ummadda, odayaasha waxay qayb wanaagsan kasoo qaateen halganka gobonimo-doonka, iyagaana aasaas u ahaa xornimadii dalka," ayuu yiri Abuukar Ganey.



Xildhibaan Cali Seeko oo isagana ka hadlya doodda ayaa sheegay in odayaasha looga baahan yahay inay dalka samata-bixiyaan, isagoo tusaale u soo qaatay sida xilligan odayaasha talada dalka gacanta looga geliyay.

"Soomaaliya 1950-kii waxay ahayd waa la yaqaan, ragga halkaa fadhiyay inay soo bandhigeen halganka waqtigaas mid ka mid dhib badan ayaa maanta jira in laga miro-dhaliyana waa mid la idin kaga baahan yahay, maanta dhaqanka waa nadiif, taladii iyagay gacanta ugu jirtaa, seef ayaana ku kor socotaan, inaadan ceeboobin oo aad siyaasiyiinta iyo ururradii diinta la mid noqon," ayuu yiri Xildhibaan Seeko.

Xubnaha guddiga odayaasha dhaqanka ee UYS oo hadallo ka jeediyay doodda ayaa iyaguna sheegay in doorka odayaasha dhaqanka lagu muujin karo is dhex-gal iyo inay u madax-bannaanaadaan howsha loo igmaday, waxaana ka mid ahaa xubnaha talooyinka soo keediyay C/llaahi Cabdulle Wehliye iyo Xasan Maxamed Diirshe.



Aadan Cali Nuur oo ka mid ah xubnaha guddiga odayaasha UYS ayaa sheegay in doorka culimmada uu yahay mid diinta saxda ah ku turjumeysa, isla markaana isku xirmaan culimmada si ay ugu istaagaan in diinta aan si qaldan loo fasirin.

Sidoo kale waxa ka hadlay doodda Nuur Xaashi Cabdi oo ka mid ah odayaashii dhaqanka ee kulanka ka qaybgalay, isagoo sheegay in fursada odayaasha ay soo laabatay, wuxuuna ka dalbaday odayaasha inay bad-baadiyaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Caaqil Xasan Cilmi oo ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dowladda, isagoo caddeeyay in odayaasha dhaqanka faragelin lagu haayo, isla markaana fursada kaliya ee ay Soomaaliya haysato ay yihiin odayaasha isagoo ugu baaqay inay masiirka ummadda aysan meel cidlo ah dhigin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya