4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2012
Isbitaalkii ugu horreeyay oo la dhagax-dhigay Deegaanka Beer-gadiid oo ka tirsan gobolka Hiiraan (DAAWO SAWIRRO)

isbitaal1.jpg
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Deegaanka Beergadiid oo qiyaastii 48km u jira magaalada Baladweyne oo xarunta gobolka Hiiraan ayaa la dhagax-dhigay markii ugu horeysay Isbitaal ay yeelanayaan bulshada ku dhaqan deegaannkaas oo dhibaato xoog leh ku qaba dhinaca adeega caafimaadka.

Odayaasha, waxgaradka, dhalinyarrada, haweenka iyo xubno ka socday Jaaliyada dibada ee ka soo jeeda deegaanka Beergadiid ayaa isugu soo baxay goobta laga hergalinayo Isbitaalka oo haddii dhismahiisa lagu guuleysto meesha ka saari doona baahida ay u qabeen dadka deegaannka rug daboosha adeegyada caafimaad oo ay u baahan yihiin.

Xiirey Axmed Rooble oo ku hadllayay magaca Jaaliyada dibada oo ka hadllay goobta ayaa ka warbixiyay dadaalkii dheera ee loo soo galay dhismaha Isbitaalka oo wax weyn ka tari doona sida uu sheegay baahiyaha caafimaad ee ka jiraa Beer-gadiid, maadaama sida uu hadalka u dhigay ay adag tahay nolasha goob aan laheyn adeeg caafimaad.

"Dadka Beer-gadiid waxaa looga baahan yahay howshan bilowgga ah in ay gacan ka geystaan oo ay xoogooda isugu geeyaan sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha Isbitalka, waayo waa mid mustabalka danbe anfacaya deegaanka ayuu yiri,’’ Rooble.

isbitaal2.jpg

Duqa Beergadiid Axmed Faarax Calasow oo ka hadllay dhagax-dhiga ayaa ayaa uga mahad celiyay jaaliyada iyo dadka ku dhaqan gudaha iska kaashanaya howsha socta ee lagu dhisayo Isbitaalka.

"’Dadka ku dhaqan halkan dhibaato xoog leh ayeey ku qabaan adeega caafimaad, qofka marka uu xanuusado waxaa qasab aheyd in loo qaado degmada Baladweyne iyo Guri-ceel, iyadoo la og-yahay daruufaha kala gadisan ee dalka ka jira, sidaa daraadeed anaga siweyn ayaan ugu faraxsanahay howshan bilowgga ah, gacanta nalooga baahan yahayna diyaar ayaan la nahay," ayuu yiri nabaddoon Axmed Faarax Calasow.

Daahir Shire Faarax oo ah xiriiriya jaaliyada dibada iyo deegaannka Beergadiid ayaa  ku booriyay odayaasha iyo waxgaradka in ay u arkaan howshan la wado  mid la wada leeyahay oo aan lagu eegan oo kaliya dhinac gaar ah, isaga oo sheegay haddii ay iskaashadaan dadka deegaanka iyo Jaaliyada dibada durbaba la gaari karo halka loo socdo oo ah in la helo goob caafimaad ama Isbitaal ay ka faa'ideystaan bulshada ku dhaqan deegaannka.

Odayaashii iyo waxgaradkii kala duwaan ee goobta ka hadllay oo ay ka mid ahaayeen nabadoon Max’ed Sabriye Guure, iyo nabadoon Max’uud Xusseen, ayaa dhamaantood sheegay in ay xoogooda oo idil isugu geyn doonaan sidii ay uga miro dhalin lahaayeen dhismaha Isbitaalka oo ah mid la bilow ah.

isbitaal3.jpg
isbitaal4.jpg
isbitaal5.jpg

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya