4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2012
Qarammada Midoobay oo ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya

Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay shirweynaha ansixinta dastuurka ee shalay oo Arbaco ahayd ka furmay Muqdisho, iyagoo ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda, ammaanka iyo deggenahaashaha Soomaaliya, xitaa haddii laga gudbo xilliga KMG ah.

Madaxaweynaha golaha ammaanka oo ah ergayga Colombia u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay soo dhaweynayaan horumarradii ugu dambeeyay ee laga sameeyay xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya, taasoo ay ku jirto xulistaanka 825 ergay ee ansixinaysa dastuurka.

"Saxiixayaasha heshiiska khariidadda nabadda waa inay xoojiyaan dadaallada looga gudbayo xilliga KMG ah inta aan la gaarin 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Goluhu wuxuu muujiyay sida uu niyad-jabsan yahay warbixinta ka hadlaysa musuq-maasuqa dhaqaale ee Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in la joojiyo ku takri-falka hantida loogu deeqay shacbka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, golaaha ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu hal sano oo dheeri ah ugu daray inay sii shaqeeyaan guddiga la socodka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, kuwaasoo dhawaan soo bandhigay warbixin ku eedeysay madaxda dowladda KMG ah inay lunsadeen hanti Qaran.

Guddigan ayaa waxay shaqeyn doonaa illaa 25-ka bisha Ogoosto ee sannadkan soo socda, iyadoo warbixinta lagu sheegay in shixnadaha hubka ah ee ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya aysan quseyn howsha ay hayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya