4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2012
Golaha Ammaanka ee QM oo si kooban uga dooday Warbixin Madaxda Dowladda KMG ku eedeysay inay dhaqaale lunsadeen
Arbaco, July 25, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kooban uga dooday xalay oo Talaado ahayd warbixin ay soo diyaariyeen guddiga la socodka cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, taasoo ku eedeysay madaxda dowladda KMG ah inay lunsadeen dhaqaale loogu deeqay Soomaaliya.

Warbixinta oo ka kooban boqolaal bog ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya uu xalka dowladeed u noqday musuq-maasuq, ku-takri-falid hanti iyo xatooyo xoolo dadweyne.

"Maanta oo ay bishu tahay 24-ka Ogoosto 2012, waxay golaha ammaanka ay si kooban oo dhageysi ah uga hadleen warbixintii ay soo diyaariyeen guddiga la socodka cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya," ayuu yiri Cumar Jamaal oo ah xog-hayaha koowaad ee Soomaalida u fadhiya Qaramada Midoobay.

Cumar Jamaal wuxuu sidoo kale sheegay in danjire Augustine Mahiga uu Muqdihso kasoo galay doodda uuna ka hadlay habka uu u socodka Roadmap-ka, sidoo kalena uu ku sheegay warbixinta wanaagsan oo dood-wanaag abuurtay; hadda kaddibna laga feejignaan doono arrimahaas oo kale.

Danjiraha Hindiya ee golaha ammaanka oo shir gudoominayay shirka ayaa warbixinta u qaybiyay xubnihii golaha ammaanka ee shirkaas kasoo qaybgalay iyadoo lagu wado in warbixintan si rasmi ah looga doodo 31-ka bishan July.

Guddiga warbixintan soo diyaariyay ayaa sheegay inay caddeymo u hayaan eedeymaha ay soo jeediyeen, iyadoo madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay iska fogeeyeen eedeymahan iyagoo ku tilmaamay mid liddi ku ah horumarka ay ku tallaabsadeen.

Warbixinta ayaa waxaa lagu caddeeyay halka ay lacaguhu ka yimaadeen iyo sida ay ku baxeen, iyadoo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo arrintan ka hadlay ay sheegeen in madaxda dowladda KMG ah aan looga baahnayn inay beeniyaan oo keliya, balse ay la yimaadaan caddeymo rasmi ah oo ay eedaha isaga bari yeeli karaan haddii kaelna uu dambigu ku caddaanayo.

Golaha ammaanka ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo warbixintan oo kale uu ka diyaariyo Soomaaliya, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu dhowr jeer oo hore sheegay in eedeymaha ku saleysan musuqmaasuqa ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu dumiyo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya