4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2012
Afartameeyo Guri oo dhibaato ka soo gaadhay Roobab ka curtay Magaalada Hargeysa ee Somaliland
Arbaco, July 25, 2012 (HOL) — Afartaneeye guri oo ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa khasaare ka soo gaadhay Roobab Dabaylo watay oo shalay galab ilaa xalay ka da’ayey magaaladda iyo agagaarkeedda, kuwaas oo guryo badan jiingaddii sare ka qaaday.

Ilaa Afartan guri oo iskugu jira guryo jiingado ah iyo guryo dhismayaal ah ayuu roobabkaasi khasare xoogleh gaadhsiiyeen, iyagoo ilaa afar qofna ku dhaawacmey dhibaatadaasi uu roobku keenay.

Khasaaraha roobka ka dhashay ayaa inta badan waxa uu ka dhacay degmadda Axmed Dhagax ee Koonfur galbeed ee magaaladda Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Badhka iyo Isha Boorame, waxaana kormeer qiimeyn ah oo ay ku eegayaan dhibaataddu inta ay leegtay ku tagay goobihii dhibtu ka dhacday, Wasiiradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasiirka Cadaaladda, Sh. Khaliil Cabdilaahi, Xuseen Axmed Caydiid iyo Xildhibaano golaha wakiiladda ka tirsan, waxaanay sheegeen inay xukumad ahaan gacan ka gaysan doonaan dhibaatadaasi ku dhacday dadka danyarta ah ee khasaaraha ka soo gaadhay roobabka.

Haseyeeshee, Dadkan khasaaruhu ka soo gaadhay roobabka ayaa xalay u hoyday meello bannaan ah, isla markaana raashinkii iyo alaabtoodii guryaha u yaalay uu Daadkii kala tagay, waxaanay ka cabsi qabaan in robabka dambe ay dhibaato kale sii gaadhsiiyaan oo ay naftoodaba halis ku jirto haddii aan gurman degdeg ah la soo gaadhsiin, waxaanay xukuumadda ka dalbadeen inay usoo gurmato oo arrintoodan wax lagala qabato, maadaama oo aanay haysan hoy ay ka galaan dhaxanta iyo roobka da’ayaba.

Maalmihii u dambeeyey ayey Roobab waaweyni oo aan kala joogsan ka curteen magaalada Hargeysa iyo qaar ka mid ah goboladda dalka, waxa kale oo jira roobab waaweyn oo ka Da’ay gobolka Gabiley deegaano ka mid ah, kuwaas oo  khasaare soo gaadhsiiyey xoolo dhaqato ku nool Miyiga gobolkaasi, waxaana deegaanadaasi laga soo sheegayaa khasaare badan oo roobabkaasi ay ka soo gaadheen xoolihii iyo dadkii ku dhaqnaa deegaanadaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland