4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Majmaca Culummada Soomaaliyeed oo sheegay inay abaabulayaan dibadbax looga horjeedo Dastuurka Cusub
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa maanta sheegay inay abaabulayaan dibad-bax looga soo horjeedo dastuurka oo uu ku tilmaamay mu'aamarad loo maleegayo dadka Soomaaliyeed.

Sheekh Dhicisoow ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay ka bixitaankii qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ay ka baxeen shirka ka socda Muqdisho, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Soomaalidu ay ka hortagaan faragelin qaawaan oo lagu hayo dalka.

"Majmacu wuxuu kasoo horjeedaa faragelinta qaawan ee arrimaha Soomaaliya lagu hayo, qofkii arrintiisa doqonnimada iyo caqli xumada ah ka hadlana waa dambiile, taasna ku ceeb Mareykanka ama dowladaha kale, xaqanaha loogama leexdo casbi," ayuu yiri Sheekh Dhicisoow.

Sidoo kale, Sheekh Dhicisoow wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed oo dhan inay kasoo qaybgalaan dibadbaxa ay abaabulayaan, kaasoo uu sheegay inuu dhici doono inta ka horreysa 17-ka bisha Ramadaan.

"Inta ka horreysa 17-ka bisha Ramadaan ayaan qabanqaabinaynaa dibadbax aanay Soomaali u kala harin, dadka Muqdisho waa inay ka hortagaan in dalkooda iyo diinta la majara-habaabiyo, Soomaali meel walba oo ay joogto, qofkii damiir iyo iimaan leh waxaan ugu yeeraynaa inuu dibadbaxaas kasoo qaybgalo," ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisow.

Dibadbaxan ayuu ku sheegay inuu yahay jihaad looga hortagayo faragelinta lagu hayo Soomaaliya sida uu hadalka u yiri, isagoo sidoo kale soo dhaweeyay xubnihii ka baxay shirka odayaasha dhaqanka, isagoo sheegeen inay garteen halka ay wax u socdaan.

Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa wuxuu ka mid ahaa culummada sida weyn ugu dadaali jiray in lala shaqeeyo dowladda KMG ah, isagoo hadalkiisan kusoo beegay xilli la filayo inuu berri Muqdisho ka furmo shir lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya