3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka Warbixiyay Waxqabadkiisii iyadoo lagu wado inuu maalmahan soo socda wareejiyo xilka

Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Maareeyaha dekedda Muqdisho, Sayid Cali Macallin Cabdulle oo sheegay inuu xilka wareejinayo maalmaha soo socda ayaa ka sheekeeyay waxqabadkiisii intii uu ahaa maareeyaha dekedda weyn ee Muqdisho oo ah halka uu dakhliga ugu badan kasoo galo dowladda KMG ah Soomaaliya.

Dekedda Muqdisho oo la furay sannadkii 1977-kii ayaa tobaneeyo sanno u xirnayd dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacday, iyadoo dib loo furay sannadkii 2006 markaasoo ay awoodda Muqdisho la wareegeen Maxkamadihii Islaamka.

"Mudadadii aan xilka hayay dekedda waxaa kasoo xarooday dakhli fara badan, sidoo kalena waxay soo iibsatay qalab kala duwan oo howsha lagu fududeynayo oo ay ku kacday dhaqaale dhan 300,000 oo doollar, sidoo kalena waxaa dhisnay qaybo ka mid ah dekedda," ayuu yiri Sayid Macallin oo soo saaray warsaxaafadeed.

Sidoo kale, maareeyuhu wuxuu ku sheegay warsaxaafadeedkiisa in iyagoo gacan ka helaya hay'adaha deeqaha bixiya ay dhiseen taawarka lagu koontaroolo dekedda ayna markii ugu horreysay ka hirgeliyeen dekedda qalab caawiya maraakiibta kusoo xiranaysa.

"Maamulka Dekeddu wuxuu ku guuleystay in xaruntii hore ee Somali-fruit oo muddo dheer aan la isticmaalin oo burbur baaxad leh uu soo gaaray uu dayactir weyn ku sameeyo; iyadoo markii ugu horreysay la dejiyay ergadii shararkii wadatashiga ahaa ee Soomaaliyeed horraantii bishii September ee sannadkii hore, kaasoo guul ku dhammaaday," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in maamulka dekedda uu dib u habeyn ku sameeyay shaqaalaha dekedda, kuwaasoo haatan ay tiradoodu tahay 278 ruux oo ka howlgala qaybaha kala duwan ee ay dekedda Muqdisho ka kooban tahay.

"Iyadoo la kaashanayo hay’adaha Qaramada Midoobay waxaa tababar dibadda ah
loo diray qaar ka mid ah shaqaalaha dekedda kuwaasoo soo dhameystay tababar si sare loogu qaado aqoontooda shaqo," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Shaqaalaha dekedda ayaa la sheegay in loo sameeyay dhiiri-gelin, iyadoo sare loo qaaday gunnooyinka shaqaalaha dekeddu ay qaadan jireen, iyadoo laga dhigay meesha ugu hooseysa ee gunnada laga qaato dekedda 100 doollar.

Maamulka dekedda Muqdisho wuxuu sheegay in sidoo kale uu wax weyn ka qabtay dhinaca ammaanka, iyadoo la furay albaabbo cusub oo ammaanka laga adkeeyo sidoo kalena wuxuu maamulku xusay in laba gaari uu u iibiyay ciidamada booliiska iyo kuwa nabadsugidda si ammaanka dekedda loo xaqiijiyo.

Dhinaca isboortiga ayuu sheegay maamulku inuu wax wanaagsan ka qabtay, iyadoo ay dekeddu maamusho naadiyo kala ah: kubadda cagta, kubadda gacanta iyo kubadda koleyga, kuwaasoo guulo sarsare ka gaaray tartamadii isboorti ee dalka ka dhacay.

Maamulka dekedda Muqdisho wuxuu sidoo kale ka warbixiyay maraakiibtii iyo doomihii soo xirtay muddo labada sano ahayd ee uu maamulku waday howlaha kala duwan ee dekedda Muqdisho.

"Intii u dhexeysay September 2010 illaa July 2012 waxaa dekedda Muqdisho kusoo xirtay 878 gaadiid badeeed oo isugu jiray 306 markab iyo 572 doonyood. xamuulka ay wadeenna wuxuu ahaa 1,546,422 tan oo xamul kala duwan ahaa," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray maamulka dekedda Muqdisho.

Ugu dambeyn, maamulku wuxuu ka hadlay dakhligii kasoo xarooday dekedda intii uu howsha waday, wuxuuna in dhaqaale dhan 6,445,763.00 doollarka Mareykanka ah ay kasoo xarootay dekedda bilhii September, Oktoobar, November iyo December sannadkiio 2010.

Sanandkii 2011, ayuu maamulku sheegay in dekedda ay kasoo xarooday dhaqaale dhan: 12,774, 363.00 doollarka Mareykanka ah. Bilihii Jannaayo, Feberaayo, Maarso iyo Abriil ee sannadkan ayaa waxaa soo xarooday 8,901,894.00 doollar, sidoo kale bilihii May, Juun iyo July ee sanandkan ayaa waxaa iyadana kasoo xarooday lacag dhan 4,382,719.00 doollarka Mareykanka ah.

Guud ahaan lacagta dekedda kasoo xarootay muddadii uu maamulkan xilka hayay ayaa waxay gaaraysaa 41’306’604.00, waxaana maamulku uu sheegay in lacagtaas oo dhan ay ku dhacday qasnadaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya











Click here
7/24/2012 5:48 PM EST
Talaado, July 24, 2012(HOL): Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa gelinkii danbe ee maanta soo gaarey wefdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wefdigan oo ka kooban dhowr xubnood waxaa hor kacayey ra'iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka ganacsiga iyo wershedaha Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

7/24/2012 9:03 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in la adkeyn doono ammaanka guud ee Muqdisho inta ay socdaan shirarka lagu soo xulayo xildhibaannada iyo midka lagu ansixinayo dastuurka oo berri furmi doona.

7/24/2012 9:02 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa maanta sheegay inay abaabulayaan dibad-bax looga soo horjeedo dastuurka oo uu ku tilmaamay mu'aamarad loo maleegayo dadka Soomaaliyeed.

7/24/2012 7:18 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Qarax khasaare geystay ayaa ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah lagula eegtay maanta oo Talaado ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe oo 30-km waqooyi kaga beegan Muqdisho, halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab dhammaadkii bishii hore.

7/24/2012 6:55 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa jira cabasho ay jeedinayaan dadka danyarta ee ku jira xeryahay barakacayaasha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

7/24/2012 4:56 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda KMG ee Musuq-maasuqa ku eedeysan, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay inuu rajo weyn ka qabo in mar kale loosoo doorto xilka madaxnimo ee Soomaaliya, iyadoo xilligiisa shaqo uu ku eg-yahay bisha oo socota ee Ogoosto.

7/24/2012 4:41 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Ururka Islaax ayaa soo saaray maanta bayaan uu kaga jawaabayay hadal uu ku sheegay Sheekh Maxamed Axmed Nuur (Garyare) inuu xilka uga qaaday guddoomiyaha ururkaas iyo xubno kale oo uu ku eedeeyay in waddadii ay ka weeciyeen howlaha ururka.

7/24/2012 4:03 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlusunna dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Gedo.

7/24/2012 3:47 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidammo ilaaliya goobta uu ka dhacayo shirka lagu ansixinayo dastuurka, sidoo kalena ay ilaalin doonaan goobaha kale ee shirarka lagu qabanayo.

7/24/2012 3:41 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Hogaamiyaha SSC Dr: Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye), ayaa shalay si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Buuhoodle, waxaana halkaasi kaga hor yimid ciidamada SSC oo tiknikadoodda ku gaashaaman iyo dadweyne aad u farobadan.

7/24/2012 3:34 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Xaalado nolol xumo oo aad u liito ayaa laga soo sheegayaa deegaanada galbeed ee gobolka Jubada Hoose halkaasoo ay ku nool yihiin qoysas danyar oo ay saameeyeen coolaadaha ka jira Jubooyinka iyo weliba abaarihii ku dhuftay gobolka.

7/24/2012 3:30 AM EST
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Xarakadda Al- Islaax ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ee Somaliland xilkii ugu qaaday xubno ka tirsanaa Xarrkada oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka ahaayeen tafaraaruqa ku yimid xarakadooda.