4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya oo odayaasha dhaqanka ka dalbaday in la ilaaliyo Saamiga Haweenka
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay odayaasha dhaqanku ku lahaayeen Muqdisho, isagoo ku boorriyay inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo xulaan ergooyinka laga sugayo.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in shirka ansixinta dastuurka oo saddex jeer baaqday uu si rasmi ah u furmi doono 25-ka bishan oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socota.

Hadal uu ra'iisul wasaaruhu u jeediyay odayaasha dhaqanka ayuu kaga codsaday inay tixgeliyaan saamiga ay haweenku ku leeyihiin dowladda iyo ergada ansixinta dastuurka, isagoo sheegay in laga sugayo inay 30% xubnaha ay soo xulayaan ay noqdaan haween.

Kulanka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, xubno wasiirro ah iyo Mahiga ay la yeesheen maanta odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli aan la xallin khilaafyo la sheegay inay ka taagan yihiin xulista ergooyinka, shirweynaha ansixinta dastuurkan uu u baaqday dhowr jeer.

Dhanka kale, guddiga farsamo ee soo xulista ergooyinka ansixinta dastuurka ayaa shaaciyay in 763 ergay ay u sameeyeen warqadihii aqoonsiga ayna dhameystiri doonaan inta harsan maanta iyo berri.

Mas'uuliyiinta guddigan oo shir jaraa'id ku qabtay dugsiga tababarka booliiska oo uu ka dhici doono shirka ansixinta dastuurka ayaa sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan in shir uu si kama dambeys ah u furmo Arbacada soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya