4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Haweeney Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka Finland oo isku soo taagtay doorashada Madaxweynenimo ee Soomaaliya
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu wado in bisha Ogoosto ee sannadkan ay ka dhacdo Muqdisho doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, ayaa waxaa xilkaas isku taagnay haweeneydii ugu horreysay oo rajo ka qabta inay Soomaaliya madaxweyne ka noqto.

Amaal Cabdi Ibraahim oo ka tagtay Muqdisho 20-sano iyadoo 17-jir ah ayaa ku sheegtay wargeysi ay siisay wargeysyada Helsinki inay ka qaybgalayso doorashada madaxnimo ee Soomaaliya, ayna horumarin doono, waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka haweenka iyo caruurta.

"Qalbigeyga waxaa ka buuxa murug, waxaan doonayaa inaan Soomaaliya ka bedelo muuqaalkii ay muddada dheer kusoo jirtay, ayay tiri Amaal oo sheegtay in haddii la doorto ay wax badan isbedel ku sameyn doonto.

Amaal ayaa sheegtay inay si dhow ula socotay isbedelka xaaladda dalkeeda, iyadoo walaac badan ka muujisay dhibaatooyinkii soo gaaray haweenka 20-kii sano ee uu dalku ku jiray colaadaha.

Inta badan murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya waa kuwo dalka dibaddiisa muddo dheer ku noolaa, iyadoo Amaal ay noqonayso haweeneydii ugu horreysay oo si rasmi ah ugu dhawaaqda inay tahay murashaxad ka qaybgalaysa doorashada madaxnimo ee Soomaaliya.

"Waxaan halkan (Finland) ka bartay shaqo, musuqmaasuq la'aan iyo wadan jacayl," ayay tiri Amaal oo ah hooyo leh shan caruur ah, iyadoo sheegtay inay rajo weyn ka qabto in loo doorto xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Amaal waxay sheegtay inay u dhoofi doonto Soomaaliya marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan iyadoo loolan la geli doono in ka badan 20-murashax oo u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda Sheekh Sharifi Sheekh Axmed.

"Waxa in la ogaado u baahan waa in dadku daaleen ayna doonayaan isbedel," ayay tiri Amaal Ibraahim oo intaas ku dartay. "Isbedelku wuu imaan doonaa... haddii Alle ogolaado."

Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa xaflado ay ku qabteen gudaha iyo dibadda dalka waxay ku sheegeen inay isbedel u horseedi doonaan Soomaaliya, iyadoo dadka wax odorasa ay ku tilmaameen inay ka tahay owr kacsi oo keliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya