4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
Munaasabad lagu maamuusayay xoojinta Af-Soomaaliga Qoran oo lagu qabtay London (DAAWO SAWIRRO)


Halkan riix (Click Here)

Axad, July 22, 2012(HOL) - Bandhig isugu jiray soo bandhigid buugaag ay qoreen abwaanno dalkeenna sida aadka ah looga qadderiyo oo ay ka mid yihiin Maxamed Ibrahim Hadraawe iyo Mustafa Sheekh Cilmi.

Maxamud Ismacil Xudayda ayaa ku boorriyay dadkii meesha isugu yimid in Af  Somaligu yahay sheyga kaliya ee aan ku faani karno soona celin karo midnimada Qaranka Somaliyeed.

Waxaa goobta fadhiyay Maxamed Daahir Afrax oo ka yimid Djibuti aadna mooday inuu dhambaal ka sido madaxweynaha Djibuti ayaa goobta ka caddeyay sida walaalehenna Djibuti isugu howleen kobcinta afka Somaliga. Waxaa kaloo suugaan culus oo aan horay looga baran ku soo bandhigtay Amina Muse Weheliye oo ka mid ah wariyayaasha sida gaarka loo xiiseeyo kuwa uga cadacad taarikhdan dhow

Abdullaahi Bootaan Xassan oo ahaa dadkii meesha ka hadlay ayaa xoogaa saaray in aan marna la iloobbin dadkii muddada dheer u soo halgamay afka Somaliga, wuxuuna noo sheegay in Shire Jaamac Axmed wax wayn ka qabtay qoritaanka afka Somaliga hase ahaatee ummadda inteeda badan aaney ogayn.

Shire Jaamac Axmed Cuniyihii fartan soomaaliga ah ee aynu maanta qorno wuxuu qorista Far soomaaliiga bilaabay 1957 inta aan document ka hayno ee uu soo saaray, dabcan kahor ayuu bilaabay inta uusan soo saarin 1957, ballse inuu faafintasi rasmi u bilaabay inta aan hayno 1963.

Intaa ka dib waxaa la wareegay Maxamed Baashe oo ku dheeraaday qawaaninta iyo naxwaha Afka Somaliga. Waxaana gunaanaday shirka C/Qadir Farax Jibril oo runtii ahaa dadkii soo qabanqaabiyay shirka.

Halkan riix (Click Here)