4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
Mudaaharaadayaal Muslimiin ah iyo Ciidamada Booliiska Itoobiya oo Iskahorimaad uu ku dhexmaray Waqooyiga Addis Ababa
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Iskahorimaad ku dhexeeyay dibadbaxayaal muslimiin ah iyo booliiska Itoobiya ayaa shalay oo Sabti ahayd ka dhacay waqooyiga Addis Ababa oo ah xarunta dalka Itoobiya, inkastoo iskahorimaadkaas uusan sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah, haddana waxay booliisku xireen tiro dibadbaxayaasha ka mid ahaa.

Mudaaharaadayaasha ayaa waxay ka cabanayeen faragelin ay sheegeen inay ku sameeyeen booliisku diintooda, waxayna dibadbaxayaasha oo madaxa maryo ku xirtay ay jidgooyooyin ku sameeyeen waddooyinka gala masjidka Anwar kaddib salaaddii duhur.

"Booliisku waxay jabiyeen oo gudaha u galeen masjidka iyadoo qabqabtay dhowr qof oo ay ku jiraan guddigii dibdabaxa abaabulayay. Sidoo kale waxay rasaas  ku fureen dibadxayaashii bannaanka joogay," ayuu yiri mid ka mid ah abaabulayaashii dibadbaxa oo magaciisa qariyay.

Goobjooge ayaa sheegay inuu arkay ciidamada booliiska oo isticmaalaya gaaska dadka ilmada ka keena si ay dhaqso ugu kala wadaan dadka dibadbaxa sameynayay inkastoo dibadbaxu uusan sidaas ku joogsan.

Kumannaan muslimiin ah ayaa tan iyo sannadkii hore dibadbaxyo cabasho ah ka dhigayay waddooyinka xarunta Itoobiya ee Addis Ababa, iyagoo ka cabanayay inay xukuumaddu faragelin ku hayso diintooda.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa iska fogeysay eedeymaha ka imaanaya muslimiinta dalkaas oo 30% ka ah tirada dadka Itoobiya oo gaaraysa 95-milyan oo qof. Iyadoo ku eedeysay in muslimiinta dalkaas ay ku dhexjiraan kooxo xiriir la leh Al-shabaab.

Afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Shimeles Kemal ayaa sheegay in booliisku ay xir-xireen tiro ka mid ah mudaaharaadayaashii isagoo diiday in booliisku ay cid gaar ah bartilmaameedsadeen.

Siyaasiyiinta iyo dadka ka faalooda siyaasadda ayaa dibadbaxyadan ku sheegay in ay isku bedeli karaan rabshado u dhexeeya muslimiinta iyo dowladda Itoobiya, taas oo keeni karta in dalkaas uu galo xaalad ammaan-darro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya