4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool Waddanka Mareykanka oo howlo dayactir ah ku billaabay Isbitalka Dhoobleey

Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Howlahan lagu dayactirayo isbitalka Dhoobleey ayaa waxa gacan ka geeystay qurbajoog ku dhaqan dalka Mareeynkanka oo kasoo jeeda gobollada Jubooyinka, waxaana dayactirku uu ku socdaa dhamaan qeybaha kala duwan ee Isbitalka.

Isbitalka Dhoobleey oo lagu daweeyo bukaano ka kala yimid qeybaha kala duwan ee gobollada Jubooyinka ayaa waxaa uu burbur xooggan kasoo gaaray dagaalladii gudaha magaalada ku dhexmaray ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Al-shabaab.

Howshan dib loogu dayactirayo isbitalka weyn ee magaalada Dhoobleey ayaa waxa gacan ka geeysanaya qurba joog kasoo jeeda gobollada Jubooyinka oo ku dhaqan dalka Mareykanka.

Dr. Cabdi Caydiid Xiireey oo kamid ah dhaqaatiirta isbitalka Dhoobley ayaa HOL u sheegay in howsha dayactirka ay gacan ka geeysanayaan qurba joog ku dhaqan dalka Mareeykanka, wuxuuna xusay in dayactirka Isbitalka ay ku baxeeyso lacag dhan $17,000 (Toban iyo Todobo Doollar).

"Waxaan dooneynaa in Isbitalka aan kusoo kordhinno qeybo cusub oo uusan hada lahayn oo ay kamid tahay qeyb loogu talogalay dadka u baahan gurmadka degdegga ah," ayuu Dr. Xiireey hadalkiisii raaciyay.

Inkastoo Isbitalka Dhoobley haatan lagu daweeyo bukaanno kala duwan oo ka kala yimid deegaano badan oo katirsan gobollada Jubooyinka ayaa hadana waxa jiro dhibaatooyin heysta isbitalka oo ay kamid tahay BIyo la'aan maadaama uusan isbitalku lahayn wax ceel ah.

Isbitalka Dhoobleey ayaa waxa uu shaqeynayaa Mudo sedex sano ah, waxaana uu burbur aad u xooggan kasoo gaaray dagaalladii magaalada Dhoobleey ku dhexmaray Xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Kenya, mana jirin cid gacan ka geeysatay sidii loo dayactiri lahaa isbitalka magaalada Dhoobleey oo laf dhabar u ah adeegyada caafimaad ee qeybo badan oo katirsan gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya