4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2012
Abaanduulihii Ciidamadda Milatariga Somaliland oo Sababo aan la shaacin isaga casilay xilkii uu hayay

Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Abaanduulihii Ciidamadda Milatariga Somaliland Col:Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas), ayaa sheegay inuu xilkii uu ciidanka ka hayey iska casilay.

Abaanduulaha ciidanka Milatariga Somaliland ayaa iscasilaadiisa u gudbiyey Madaxweynaha balse lama oga in madaxweynuhu ka aqbalay iyo in kale, maadaama oo uu madaxweynuhu awood u leeyahy inuu ka aqbalo iyo inuu ka diiddaba.

Illaa hadda lama cadayn sababta uu isku casilay Abaanduulaha ciidanka Milatariga, iyadoo saraakiil ciidanka Milatariga oo aan la xidhiidhay ka gaabsadeen inay tafaasiil ka bixiyaan iscasiladiisa iyo waxa keenay.

Haseyeeshee, wararka ayaa sheegaya in ay la xidhiidho xadhigii Maayarka iyo maayar ku xigeenka Laascaanood ee dhowaanta la xidhay, maadaama uu abaanduluhu ka soo jeeddo gobolka Sool, balse war rasmi ah ilaa hadda lama sheegin sababta ka dambaysa inuu iscasillo.

Maayarkii Laascaanood Kayse Maxamed Xaaji Xuseen ee la xidhay ayaa markii la soo daayey sheegay inuu xilkii uu maayarnimo iska casilay, isla markaana dawladda ka sugay in falkii lagula kacay wax ka qabato.

Haseyeeshee, khilaaf ayaa laga sheegayaa inuu soo dhexgalay masuuliyiinta gobolka Sool, kuwaas oo ku salaysan xaga maamulka iyo awoodahoogga, sidoo kale waxa uu muran kaas la mid ahi ka jiraa maamulka gobolka Togdheer oo iyana dhexdooddu is haystaan, khilaafkaasi oo ku salaysan xaga maamulka iyo muran dhul oo jira.

Si kastaba ha ahaaatee, xukuumadda ayaa laga sugayaa inay arrimaha jira soo farogaliso, waxna ka qabato inta aanu muranku sii xoogaysan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland