4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2012
Deegaannada ay ka taliyaan Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljaamaca oo aan maanta laga Soomin

Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Iyadoo inta badan maanta gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya ay u tahay maalin Ramadaan oo ay dadka ku dhaqan Sooman yihiin, ayaa haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaan maanta laga Soomin deegaanno badan oo ka tirsan maamulada Ahlu Sunna Waljameeca iyo Galmudug.

Dadka ku dhaqan degmooyinka Dhuusa-mareeb, Caabud-waaq, Guri-ceel, Xeraale, Balanbal, oo dhamaantood ka tirsan gobollka Galguduud ayaa lagu waramayaa in aysan maanta Soomin, iyadoo la arkayo ayaa la leeyahay goobaha wax laga cuno iyo kuwa laga cabo intaba oo sidoodii u shaqeynaya.

Sidoo kale deegaannada hoos yimaada maamulka Galmudug ayaa lagu waramayaa in maanta aysan u aheyn maalin Ramadaan, iyaga oo sheegay in maalinta bari ah u noqon doonto maalintii ugu horeysay ee Ramadaanka.

Wasaarrada Garsoorka maamulka Galmudug ayaa lagu soo xigtay in bisha aan laga arkin deegaannada Galmudug, sidaa daraadeed maanta dadka ku dhaqan deegaannada uu ka jiro maamulkooda aysan Soomin.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan inta badan dadka ku dhaqan maata waxaa ay u tahay maalin Ramadaan, kadib markii ay ka war heleen in qeybo ka mid ah deegaannada Soomaaliya laga arkay bisha Radamaan, walow ay jiri karaan dad yar oo aan Sooneyn.

Inta badan gudaha dalka Soomaaliya marka aad eegto waa wax iska caadi ah in leysku khilaafo bilashada bisha barakeysan ee Radamaan, taasoo keentay in marka danbe dadku isku mid u wada Ciidin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya