4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2012
Rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland oo dhistay dallad ay ku mideysan yihiin shirkadaha xoolaha dhoofiya [SAWIRRO]


Khamiis, July 19, 2012(HOL): Xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ee magaalada Boosaaso waxaa maanta lagu dhisay dallad ay ku mideysan yihiin shirkadaha ka shaqeeya Xoolo dhoofinta ee ka jira deegaanada Puntland. Munaasabadii daladdan lagu dhisayey oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey waxaa kasoo qayb galay madaxda rugta ganacsiga iyo mas'uuliyiin ka socotey wasaaradaha ganacsiga, maaliyadda iyo xanaanada xoolaha.

Ugu horeyn waxaa madashaas ka hadlay xoghayaha guud ee rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland Axmed Ciise Maxamuud (Fayte), wuxuuna sheegay in rugtu ay horay usoo dhistay afar daladood oo kuwa ganacsiga ah, tanina ay noqonayso daladdii 5-aad islamarkaana ay tahay midda ugu muhiimsan.Xoghayaha ayaa dhinaca kale faah faahin ka bixiyey qaabka ay u dhacayso doorashada gudoonka daladaas oo ay musharixiin ay tiradoodu labo tahay isu soo taageen.

Intaas kadib waxaa loo guda galay doorashada gudoomiyaha daladda, waxaana ku guuleystey Ayaanle Maxamed Siciid kadib markii uu helay 25 kamid ah tirada codadka guud ee la dhiibtey oo ah 28, halka uu musharaxii kale ee la tartamayeyna helay 3 cod oo keliya.


Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa wax aad loogu farxo ku tilmaamay in ganacsatada Puntland ay yeeshaan dalado ay ku mideysan yihiin.

Xayir ayaa dhianca kale ugu baaqay ganacsatada inay ka tanaasulaan nidaamka keli keliga ah ee ay ku shaqeystaan, islamarkaana ay ku dadaalaan sidii ay awoodooda u mideyn lahaayeen, si ay ganacsigooda uga guul gaaraan dalkana ay horumar ugu horseedaan.

Wasiiru dowlaha ganacsiga ee Puntland Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa kula dardaarmay ganacsatada xoolaha dhoofiya inay xil weyn iska saaraan sidii ay u horumarin lahaayeen ka ganacsiga xoolaha, maadaama uu dhoofka xooluhu yahay kan ugu weyn ee dhaqaalaha ugu badani uu dalka kasoo galo.

Daladda ay ku mideysan yihiin shirkadaha xoolaha dhoofiya ee Puntland ayaa noqonaysa tii 5-aad ee ay rugta ganacsiga iyo wershedahu dhisto, waxaana talaabadan si weyn usoo dhoweeyey ganacsatada iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia