3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2012
Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka oo la kulmay Odyaasha Dhaqanka
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali, wasiirro iyo xubno ka socda beesha calaamka oo uu horkacayay ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi ayaa maanta kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho, iyagoo ka dalbaday inay soo dedejiyaan soo gudbinta magacyada ergooyinka laga sugayo.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamka, C/llaahi Goodax Barre ayaa ugu baaqay odayaasha inay maalinta berri ah soo gudbiyaan ergooyinka ansixinta dastuurka, si odayaashu ay ergooyinka u geeyaan goobta uu shirku ka dhacayo.

"Shardi ma ahan in oday walba ergooyinkiisa oo dhan uu horkaco, balse inta uu hayo ayuu soo diiwaan-geliyo, waayo waqti lama hayo," ayuu yiri Goodax, isagoo sheegay in howsha ay sidaas ku socon doonto.

Dajire Wamunyinyi oo isaguna odayaasha la hadlay ayaa sheegay ka dalbaday inay fududeeyeen soo gudbinta liiska ergooyinka laga sugayo maadaama waqtiga uu yar yahay, isagoo sheegay in la doonayo in howlaha harsan ay waqtigii loogu talogalay ku dhammaadaan.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo isaguna odayaasha hadalkii ugu dambeeyay u jeediyay odayaasha dhaqanka ayaa ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo xulaan ergooyinka ansixinta dastuurka iyo xildhibaannada baarlamaanka cusub.

"Waqti yar baa inoo harsan, intii hore guul, wadajir iyo Soomaalinimo ayaan kusoo dhameysanay inta hartayna sidaas oo kale ayaan rajeynayaan. Waxaana sidoo kale rajeynayaa in bisha Ogoosto aan gaarno baarlamaanka oo lasoo xulay iyo dastuurka oo la ansixiyay," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu u mahadceliyay odayaasha dhaqanka inay ku bixiyeen dadaal badan sidii howshan loo qaban lahaa, isagoo sheegay in howshan ay tahay waajibkii saarnaa oo ay guteen.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha ka socday beesha calaamka ayaa kormeer ku tagay dugsiga tababarka booliiska Soomaaliya oo lagu wado in dhowrka casho ee soo socda uu ka furmo shirka ansixinta dastuurka cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/19/2012 1:39 PM EST
Halyeyga Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhaweeye magaalada London. Waxaa warbixintaan magaalada London nooga soo diray Ibrahim Baafo.

7/19/2012 1:18 PM EST
Khamiis, July 19, 2012(HOL): Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa maanta ka furmay shir-weyne ay isugu yimaadeen haween ka kala yimid 8-da gobol ee Puntland iyo deegaanada ay ka arimiyaan maamullada Ximin iyo Xeeb, Gal-mudug, gobolka Hiiraan, dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo hablo metelaya jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha ku nool.

7/19/2012 1:17 PM EST
Khamiis, July 19, 2012(HOL): Xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ee magaalada Boosaaso waxaa maanta lagu dhisay dallad ay ku mideysan yihiin shirkadaha ka shaqeeya Xoolo dhoofinta ee ka jira deegaanada Puntland. Munaasabadii daladdan lagu dhisayey oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey waxaa kasoo qayb galay madaxda rugta ganacsiga iyo mas'uuliyiin ka socotey wasaaradaha ganacsiga, maaliyadda iyo xanaanada xoolaha.

7/19/2012 9:35 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo horay loo xukumay, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dil u geysteen askar kale iyo dad shacab ah.

7/19/2012 9:05 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Ammaanka magaalada Baladweyne ayaa aad loo adkeeyay kadib markii uu maanta dib ugu laabtay guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo hogaaminayay xubno ka tirsan maamulka gobolka.

7/19/2012 8:22 AM EST
Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in lacag gaaraysa 3.5 milyan oo lagu qoray warbixintii qaramada midoobay ay ku maqantahay xukuumadii ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

7/19/2012 8:16 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Wasiirka diinta iyo owqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa culimadda iyo imaamyadda masaajidada magaaladda Hargeysa, isagoo usoo jeediyey in la mideeyo wakhtiyadda salaadda, maadaama oo bishii barakaysnayd ee Ramadaanta la galayo.

7/19/2012 8:14 AM EST
Khamiis, July 19, 2012(HOL): Siyaasiga yaasiin maxamuud ayaa la hadley soomaalida ku nool magaalada Borlänge ee dalka Sweden kaddib markii casuumaad ay u sameeyeen Soomaalida magaaladaas ku dhaqan.

7/19/2012 8:12 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mark Bowden oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in weli ay malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah.

7/19/2012 8:02 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasoo ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD loogana hadlayay qaabkii ay odayaashu iskula shaqeyn lahaayeen.

7/19/2012 3:20 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen laba qarax oo xalay ka dhacay degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya oo ku dhow soohdinta ay labada dal wadaagaan.

7/19/2012 3:20 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Kulan ay haweenka Soomaaliyeed ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay kasoo saareen warsaxaafadeed ay uga dalbanayaan DKMG ah iyo odayaasha dhaqanka inay tixigeliyaan saamiga ay ku leeyihiin dowladda ee 30% ah.

7/19/2012 3:00 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay warbixintii kooxda baarista Qaramada Midoobay ee uu ka mid ahaa mas'uuliyiintii lagu eedeeyay inay tahay mid looga gol leeyahay in nabdda Soomaaliya lagu burburiyo, isagoo sheegay inaysan jirin hanti ay lunsadeen.