4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2012
Danjire Mahiga oo ka hadlay Eedeymaha guddiga baarista ee Qaramada Midoobay ay u soo jeediyeen Madaxda DKMG ah
Arbaco, July 18, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga ayaa ka hadlay eedeymaha loosoo jeediyay madaxda dowladda KMG ah ee la xiriira lunsashada hantida Qaran.

Danjire Mahiga oo BBC-da u warrramayay ayaa sheegay in warbixintan la horgeyn doono golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay berrito oo Khamiis ah, balse ay ka doodi doonaan bishan dhammaadeeda, isagoo guddiga warbixinta soo diyaariyay ku sheegay inay yihiin kuwo madax-bannaan.

Su'aal ahayd in dadka la eedeeyay uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif oo lala xiriiriray burcadbadeedda, ayuu sheegay in madaxewynaha looga baahan yahay inuu iska difaaco eedeynta oo aysan ku filayn oo keliya beenin.

"Madaxweynuhu waa inuu iska difaaco eedeyntan ka hor inta aan laga doodin bishan dhammaadkeeda, balse sida uu isku difaacayo aysan ahayn oo keliya inuu beeniyo arrintaas waase inuu la yimaado tallaabooyin cadcad oo la isku difaaci karo," ayuu yiri Mahiga.

Sidoo kale, mar danjire Mahiga la weydiiyay sababta xilligan xasaasiga ah loogu soo beegay warbixinta ayaa wuxuu sheegay in iyaga laftooda ay walwal ku hayso, balse kooxda soo diyaarisay warbixinta ay madax-bannaan tahay arrintanna ay muddo dheer kasoo shaqeynayeen; iyagana aan lagala soo xiriirin xilliga lagu soo beegayo.

"Waxaa jira dad kale oo laga yaabo inay isku soo sharraxaan jagooyinka sarsare iyo xildhibaanno cusub, dadka la dhaleeceeyayna waa inay iska difaacaan eedeynta," ayuu yiri Mahiga oo la weydiiyay in eedeyntan ay saameyn ku yeelan karto xilliga kala guurka ah iyo murashaxnimada xubnaha la eedeeyay.

Madaxda dowladda KMG ah ayya warbixintani ku eedeysay inay lunsadeen hanti fara badan oo caalamku uu ugu deeqay Soomaaliya, balse mas'uuliyiinta DKMG ah ayaa ku tilmaamay eedeyntaas mid aan jirin oo been abuur ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya