4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2012
Burcadbadeed Soomaaliyeed oo Madaxfurasho kusii daayay Doon Kalluumeysi iyo 26 shaqaale ah oo la socday
Arbaco, July 18, 2012 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa shaacisay maanta oo Arbaco ah in dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Taiwan iyo 26-shaqaale oo la socday ay si daayeen burcadbadeedda Soomaaliyeed kaddib afduub ay ku haysteen 19 bilood.

Doonidan oo lagu magacaabo Shiuh Fu No. 1 ayay wasaaraddu sheegay in shalay oo Talaado ahayd lasii daayay, kaddib markii lasoo gabgabeeyay wadahadallo u socday milkiilaha doonida iyo kooxaha afduubka ku haystay.

Inkastoo wasaaraddu aysan sheegin lacagta madaxfurashada ah ee lagu sii daayay ayaa haddana warar laga helay kooxihii burcadbadeedda ah ee haystay waxay sheegayaan in shan milyan oo dollar lagu sii daayay doonida.

Doonidan kalluumeysi iyo shaqaalaheeda ayaa laga soo afduub bishii Diseember ee sannadkii 2010 xeebaha jasiiradda Madagaskar iyadoo burcadbadeeddu ay tan iyo xilligaas ku haysteen xeebaha Soomaaliya.

Shaqaalaha doonidan la socday ayaa la sheeagy inay 13 ka mid ah u dhasheen dalka Shiinaha, 12-qofna ay u dhasheen dalka Vietnam iyo kabtanka doonida oo u dhashay dalka Taiwan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa sheegtay in markab dagaal oo Shiinuhu leeyahay uu u kexeeyay doonida dhinaca xeebaha Tansaaniya, si baaris caafimaad loogu sameeyay shaqaalah doonidaas.

Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in weli ay kooxaha burcadbadeedda ah gacanta ku hayaan toddoba markab iyo 211 qof oo shaqaale ah, kuwaasoo ay ku doonayaan madaxfurasho lacageed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya