4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo sheegay in abaar adagi ka jirto gobolladda Awdal iyo Selel, kuna baaqay in loo gurmado
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar xaqiiqo raadis ah u tagay goboladda galbeedka Somaliland ee abaaruhu aad u dhibaateeyeen, kuwaas oo dad iyo duunyaba saamaysay, waxaanu caalamka iyo bulshadda ku booriyey inay gurmad u fidiyaan dadkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka oo ah gudoomiyaha guddiddda Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa markii ay soo dhamaysteen xog ogaal u noqoshaddau xaaladda nololeed ee ka jirta goboladda Awdal iyo Selel ee abaaruhu ka jiraan dib ugu soo noqday magaaladda Hargeysa, ayaa caalamka iyo bulshadda Somaliland ugu baaqay in dadkaasi abaaruhu dhibaateeyeen loo gurmado oo aanu qofna dib waxba u dhigan, isla markaana uu deegaanadaasi uu soo maray ku arkay dhibaatooyin xoogan oo halkaasi ka jirta.

 “ waxaan ka bilaabay safarkan dhinaca galbeed ee gobolka Awdal ilaa Gobolka Selel oo aan soo maray tuulooyin aad u badan, waxaana hadana dib safar kale u galnay bariga gobolka Awdal, deegaanadda aan maray oo sodan goobood ahayd oo Awdal iyo Selelba iskugu jiray, toban goobood ayey dadkii xooluhu ka dhamaadeen ay ku soo qaxeen, kuwaas oo u baahan hoy, biyo iyo goobo caafimaad oo lagu kordhiyo kuwii hore ugu jiray”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici oo mudd afar cisho ku maqnaa qiimeynta xaaladda nololeed ee deegaanadaasi ak jira

“waxaan bulshadda iyo caalamkaba ugu baaqaynaa in dadkaasi loo gurmado oo aan dib wax loogu dhigan”ayuu raaciyey madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in abaar xoogani ka jirto goboladda Awdal iyo Selel, waxaanu sheegay in abaartaasi afar jirsatay oo afartii sanadood ee  ugu dambeeyey aanay helin wax roob ah, iyagoo meelaha qaarkood aad ku arkaysay dadkii oo xoolihii iskaga tagay ka dib markii ay noloshoodii ku adkaatay xoolihiina u socon waayeen.

Sidoo kale,w axa  uu madaxweynuhu sheegay in xoolihii ay u dhamaadeen gaajo iyo oon, halka caruurtii iyo dadkii waayeelka ahaa nafaqo daro hayso, una baahan yihiin gurmad dhinaca nolosha ah.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in laba gaadhi oo raashin ah oo ay sideen u qaybiyeen meelihii aan hore loogu qaybin ee buuralayda ah, waxa kale oo uu sheegay in baaqii uu madaxweynaha Somaliland diray uu ka soo jawaabay madaxweynaha Jabuuti oo deeq mucaawimo ah soo gaadhsiiyey dadkan abaaruhu halakeeyeen iyo dadyow kale oo raashin badan u keenay dadkaasi.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey wasiirka xanaanadda Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir, wasiirka Dib u dejinta Cabdirisaaq Cali Cismaan, Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda Cali Xaamud Jibril, la taliyaha madaxweynaha bariga  Sahal Maxamed Jaamac iyo Xildhibaanno ka tirsan goleyaasha baarlamaanka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland