4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2012
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo booqday deegaanadda galbeedka Somaliland ee abaaruhu ka jiraan

Axad, July 15, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa safar shaqo ku tagay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, isagoo sheegay inuu doonayo inuu u yimid si uu gacan uga gaysto abaaraha baahsan ee ka jira deegaanadaasi.

Safarkan madaxweyne ku xigeenka ee xaqiiqo raadiska ah ee uu ku eegayo sida ay abaaruhu u saameeyeen dad iyo doonyaba waxa la socda raxan wasiirro ah iyo saraakiil ka tirsan dawladda, waxaanu warbaahinta u sheegay in safarkiisu la xidhiidho kormeer uu ku qiimaynayo xaaladda nololeed iyo caafimaadka ee gobolka Awdal iyo Selel ka jira, maadaama oo abaar badan laga soo sheegayo deegaanadaasi.

Madaxweyne kuxigeenka oo safarkiisan ku gelbinayey kolonyo gaadiid ah oo mucaawino raashin ah u sidday goobo ku yaalla dhulka uu safarka ku marayo, ayaa sheegay in raashinkaasi loo qaybin doono qoysas lagu qiyaasay kun qoys oo teedsan goboladda Awdal iyo Selel, isagoo sheegay in meelaha aanay wali gaadhin caawimaddu la gaadhsiin doono, isagoo xusay in kolba wixii la helo siday u kala daran yihiin loo qaybiyo oo goob kaliya uun aan lagu celcelin.

Tan iyo intii uu qaylo dhaanta abaareed laga soo sheegay xeebaha galbeed Somaliland ayaa ganacsato iyo dadweynaha Somaliland taakulooyin kala duwan soo gaadhsiiyeen guddidda abaaraha ee gobolka Awdal iyo Selel, inkastoo aanay ku filayn baahidda jirta iyo dhibaatooyinka ka jira deegaanadaasi ee ay halakeeyeen abaaruhu.

Sidoo kale, waxa iyana soo gaadhay deeq ka timid dhinaca jabuuti oo dawladda iyo shacabka reer Jabuuti soo gaadhsiiyeen deegaanadaasi abaaruhu saameeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne ku xigeenka ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyey ee booqda deegaanadda abuuruhu ka dhaceen iyo nolosha taalla deegaanadaasi tan iyo intii laga soo sheegay abaaraha.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland