4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2012
Wafdi uu hoggaamnayo Augustine Mahiga oo gaaray Magaalada Garoowe kulammana la leh Madaxda iyo Waxgaradka Puntland
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda Qaramada Midoobay uuna horkacayo wakiilka UN-ka ee arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu kulammo kula leeyahay madaxda Puntland.

Kulamadan ayaa la sheegay in looga hadlayo howlaha Roadmap-ka oo ay ka mid yihiin xulida ergada ansixinta dastuurka, iyadoo saxaafada loo diiday inay goobjoog ka ahaato kulamadan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland.

Wariyeyaal ku sugan Garoowe ayaa sheegaya in loo sheegay in marka ay kulamadu dhamaadaan ay si wadajir ah ula hadli doonaan warbaahinta madaxda Puntland iyo wafdiga uu horkacayo dajire Mahiga.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in danjire Mahiga iyo xubnaha safarkiisa ku wehlinaya ay la kulmi doonaan waxgaradka Puntland, kuwaasoo ay kala hadli doonaan arimaha ku saabsan ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa wuxuu qayb ka yahay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo madaxweynahoodu uu ka mid yahay saxiixayaasha Roadmap-ka oo ah qorshe la doonayo in Soomaaliya looga saaro xiliga KMG ah.

Lama oga inta maalmood ee uu qaadan doono socdaalka wafdigan oo uu horkacayo danjire Mahiga uu qaadan doono, iyadoo wararku ay sheegayaan in kulamada ay u tageen Punland ay noqon kuwo maanta ku eg.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya