4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2012
AMISOM oo sheegtay in raashin gargaar ah oo la dhacay ay ka heshay saldhig ay Al-shabaab ku lahayd Laanta-buuro
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed ay soo saareen ciidamada AMISOM ayay ku sheegeen in Laanta-buuro ay ka heleen 500-kiish oo raashin ah, kaasoo ay loogu talogalay sida ay sheegeen in lagu caawiyo dadka ku nool gobolkaas, balse ay Al-shabaab dhacday.

Raashinkan ayay AMISOM sheegtay in Al-shabaab ay ku quudinaysay xoogaggeeda tababarka ku qaadanayay saldhig ay ku lahaayeen deegaankaas oo 10-km Koonfur kaga beegan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

"Saldhigga waxaan ka helnay hub ay ku jiraan qoryaha daran-doorriga u dhaca iyo qalabka laga sameeyo bambooyinka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in 11-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan lagu dilay dagaalkii lagu qabaday Laanta-buuro afar kalena nolol lagu qabtay.

Taliyaha AMSIOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in howgalka ay ku qabsadeen Laanta-Buuro ay qayb ka tahay sidii loogu fududeyn lahaa hay'adaha gargaarka in dadka gobolkaas ku nool ay raashinka gaarsiiyaan.

"Howgalkeennu waa mid miro-dhalay, wuxuuna qayb ka yahay howsha lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya, hay'adaha samafalkana fursad loogu siinayo inay gaarsiiyaan dadka gobolkaas ku nool gargaarka bani'aadamnimo," ayuu yiri Jen. Gutti.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan hadalkan, iyadoo tani ay imaanayso xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen Balcad iyo Afgooye oo min 30-km u jira magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo ay ciidamada AMISOM sheegeen in raashin gargaar ay ka heleen deegaan ay ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya iyaga io Al-shabaab muddo laga joogo saddex sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya