3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2012
Diyaarado Dagaal oo Maanta duqeeyay Deegaanka Birta-dheer oo ku yaalla galbeedka Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay in dalka Kenya laga leeyahay ayaa maanta duqeeyay deegaanka Birta-dheer oo 18-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Saraakil ka tisran dowladda KMG ah oo ku sugan gobolkaas ayaa sheegay in halka la duqeeyay ay ku yaaleen saldhigyo ay Al-shabaab leedahay, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas.

Deegaanka la duqeeyay ayaa wuxuu ka mid ahaa deegaanada ay Al-shabaab ka taliso ee ku yaala gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, iyadoo saraakiisha DKMG ah ee ku sugan Gabarhaarey ay sheegeen in duqeyntu ay khasaare kasoo gaartay xoogagga Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ka hadlin duqeynta loo geystay deegaanka Birta-dheer oo saraakiisha dowladda ay sheegeen inay ahayd goob laga soo abaabuli jiray weerarada lagu soo qaaday deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Ciidamada Kenya oo si rasmi ah ugu biiray AMISOM ayaan ka hadlin duqeynta loo geystay maanta deegaanka Birta-dheer, iyadoo duqeyntan ay kusoo beegmayso xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya isku diyaarinayaan inay la wareegaan gacan ku haynta Al-shabaab.

Dowlada Kenya ayaa waxay weeraro cirka iyo dhulka ah ku haysay Al-shabaab tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii hore, iyadoo dhowr jeer ay diyaaradaheedu duqeyn ku dileen dad rayid ah oo ku noolaa deetaano ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/12/2012 9:52 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta xukun qisaas ah ku filyay laba nin oo la sheegay inay horay ugu dileen wiil iyo aabihiis deeaanka Xeraale ee gobolka Galguduud.

7/12/2012 8:40 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka Muqdisho iyo xulidda ergada ansixinaysa dastuurka qabyada ah.

7/12/2012 8:09 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Garab ka soo go’ay xisbiga UDUB ayaa maanta ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ka dib marii khilaaf ba’an soo kala dhexgallay xisbiga UDUB, taas oo ku keentay inuu laba kooxood u kala jabo.

7/12/2012 8:05 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Booliiska AMISOM ayaa tababar soconay todobaad uga furay Muqdisho saraakiil booliis ah oo ka yimid dalka Sierra Leone, kuwaasoo la bari doono dhaqanka Soomaalida iyo shuruucda Soomaaliya.

7/12/2012 3:54 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu dib u dhac ku yimid shir lagu soo xuli lahaa ergooyinka ansixinta dastuurka oo lagu waday in maanta uu ka furmo Muqdisho.

7/12/2012 3:34 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka cusub ee Ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in howgallada ay ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ku qabsadeen deegaanka Laanta-buuro uu sii socon doono.

7/12/2012 3:13 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa duleedka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka afduubay laba shaqaale samafal oo Kenyan ah iyo dhakhat Soomaali ah, kuwaasoo kasoo laabtay xeryo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla duleedka waqooyi ee Gaalkacyo.