3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2012
Xukuumadda KMG oo shaacisay in shirkii lagu soo xulayay Ergada Ansixinta Dastuurka uu dib u dhac ku yimid
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu dib u dhac ku yimid shir lagu soo xuli lahaa ergooyinka ansixinta dastuurka oo lagu waday in maanta uu ka furmo Muqdisho.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha DKMG ah, Cabdi Cali ayaa sheegay in arrimo farsamo awgood uu shirku dib ugu dhacay, wuxuuna sheegay inay jiraan arrimo la xiriira habka uu shirku u qabsoomayo.

"Shirkii la filayay inuu maanta qabsoomo ee lagu soo xulayay ergooyinka ansixinta dastuurka dib ayuu u dhacay, waxaa sabab u ah in ergada oo qayb ka mid ah ay weli harsan tahay kuwaasoo lagu wado in maanta lasoo dhameystiro," ayuu wasiir u dowlaha wasaaradda ammaanka Qaranka.

Dhawaanahan ayaa waxaa jiray kulammo ay yeelanayaan madaxda DKMG ah iyo odayaasha dhaqanka, kuwaasoo intooda badan looga hadlayay in odayaashu aysan lug ku yeelan ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayna howsha ansixintga u daayaan ergooyinka ay soo xulayaan.

Sidoo kale, dib u dhacan ayaa imaanaya iyadoo qodobbo dastuurka ka mid ah weli lagu muransan yahay, kuwaasoo ay ka mid tahay maqaamka ay Muqdisho yeelanayso, taasoo xitaa maamulka gobolka Banaadir uu ka hadlay.

Wasiir u dowlaha ayaa sheegay in shirkan uu furmi doono 23-ka bishan, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in laga yaabo inuu furmo maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Odayaasha dhaqanka qaarkood ayaa waxay sheegeen inay diyaariyeen magacyada qaar ka mid ah ergooyinka ansixinta dastuurka, ayna ku howlan yihiin qaybta, inkastoo aysan sheegin xilliga ay ku dhameystiri doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/12/2012 10:04 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay in dalka Kenya laga leeyahay ayaa maanta duqeeyay deegaanka Birta-dheer oo 18-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

7/12/2012 9:52 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta xukun qisaas ah ku filyay laba nin oo la sheegay inay horay ugu dileen wiil iyo aabihiis deeaanka Xeraale ee gobolka Galguduud.

7/12/2012 8:40 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka Muqdisho iyo xulidda ergada ansixinaysa dastuurka qabyada ah.

7/12/2012 8:09 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Garab ka soo go’ay xisbiga UDUB ayaa maanta ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ka dib marii khilaaf ba’an soo kala dhexgallay xisbiga UDUB, taas oo ku keentay inuu laba kooxood u kala jabo.

7/12/2012 8:05 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Booliiska AMISOM ayaa tababar soconay todobaad uga furay Muqdisho saraakiil booliis ah oo ka yimid dalka Sierra Leone, kuwaasoo la bari doono dhaqanka Soomaalida iyo shuruucda Soomaaliya.

7/12/2012 3:34 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka cusub ee Ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in howgallada ay ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ku qabsadeen deegaanka Laanta-buuro uu sii socon doono.

7/12/2012 3:13 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa duleedka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka afduubay laba shaqaale samafal oo Kenyan ah iyo dhakhat Soomaali ah, kuwaasoo kasoo laabtay xeryo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla duleedka waqooyi ee Gaalkacyo.