3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2012
Kooxo burcad ah oo Duleedka Magaalada Gaalkacyo ka Afduubay Samafalayaal Kenya u dhashay iyo iyo Dhakhtar Soomaaliyeed
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa duleedka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka afduubay laba shaqaale samafal oo Kenyan ah iyo dhakhat Soomaali ah, kuwaasoo kasoo laabtay xeryo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla duleedka waqooyi ee Gaalkacyo.

Booliiska Puntland ayaa sheeagy in kooxaha afduubka geystay ay ahaayeen burcad-badeed; iyadoo saraakiisha booliiska gobolka Mudug ay sheegeen inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii afduubka geystay iyo shaqaalihii ay afduubeen.

"Wararka aan helanayno waxay sheegayaan in laba Kenyan iyo dhakhtar Soomaali ah ay afduubeen kooxo burcadbadeed ah, balse weli waxaa socda baaritaanno lagu raadinayo kooxahaas," ayuu yiri Aadan Warsame oo ka mid ah saraakiisha booliiska Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal kale oo ka tirsan booliiska Gaalkacyo, Maxamed Ciise Xasan ayaa isaguna sheegay in afduubku uu ka dhacay gallinkii dambe shalay oo Arbaco ahayd meel ku dhow degmada Bacaad-weyn oo magaalada Gaalkacyo kaga beegan dhinaca waqooyi qiyaastii 50-km.

Maxamed Ciise ayaa sheegay in weerarka lagu afduubay saddexda ruux ay ku dhaawacmeen laba ka tirsan ciidamada booliiska oo ilaalo u ahaa. Iyadoo labada samafale ee Kenyanka ah iyo dhakhtarkuba la sheegay inay u shaqeynayeen hay'adda International Aid Services (IAS).

Hay'adda IAS oo fadhigeedu yahay dalka Sweden ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in saddex ruux oo Kenyan ah laga afduubay hay'adooda, iyadoo aysan jirin cid sheegatay weli inay mas'uul ka tahay afduubkaas.

Afduubyada ka dhaca gudaha Soomaaliya ayaa inta badan lagu eedeeyaan inay mas'uul ka yihiin kooxaha hubeysan sida bucadbadeedda iyo Al-shabaab oo diidan dowladda Soomaaliya iyo maamullada dalka ka jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/12/2012 10:04 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay in dalka Kenya laga leeyahay ayaa maanta duqeeyay deegaanka Birta-dheer oo 18-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

7/12/2012 9:52 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta xukun qisaas ah ku filyay laba nin oo la sheegay inay horay ugu dileen wiil iyo aabihiis deeaanka Xeraale ee gobolka Galguduud.

7/12/2012 8:40 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka Muqdisho iyo xulidda ergada ansixinaysa dastuurka qabyada ah.

7/12/2012 8:09 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Garab ka soo go’ay xisbiga UDUB ayaa maanta ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ka dib marii khilaaf ba’an soo kala dhexgallay xisbiga UDUB, taas oo ku keentay inuu laba kooxood u kala jabo.

7/12/2012 8:05 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Booliiska AMISOM ayaa tababar soconay todobaad uga furay Muqdisho saraakiil booliis ah oo ka yimid dalka Sierra Leone, kuwaasoo la bari doono dhaqanka Soomaalida iyo shuruucda Soomaaliya.

7/12/2012 3:54 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu dib u dhac ku yimid shir lagu soo xuli lahaa ergooyinka ansixinta dastuurka oo lagu waday in maanta uu ka furmo Muqdisho.

7/12/2012 3:34 AM EST
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka cusub ee Ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in howgallada ay ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ku qabsadeen deegaanka Laanta-buuro uu sii socon doono.