12/11/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2012
Maxkamada Ciidaamada Qalabka Sida ee Dowlada KMG ah oo laga dalbaday inay Xafiis ka furato Magaalada Baladweyne


Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Maamulka gobollka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay ka dalbaday dowladda KMG in la soo gaarsiiyo magaalada Baladweyne howlaha durbaba ay ka bilaawday gobolladii dhawaan laga xureeyay Al-shabaab maxkamada ciidamada qalabka sida.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Hiiraan ahna kusimaha guddoomiyaha gobollka Max’ed Macalin Yuusuf ‘’Garabey’’  ayaa shir Jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay waxaa uu kaga hadllay baahida waqtiga loo qabo in ay ka howlgasho gobollka maxkamada ciidamada qalabka sida.

"Waxaan ka codsaneynaa wasaarraada arrimaha gudaha iyo aminga Qaranka, iyo wasaarrada Gaashaandhiga intaba in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hergaliyo xafiis maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku yeelato magaalada Baladweyne,’’ ayuu yiri Max’ed Macalin Yuusuf Garabey.

Waxaa uu sheegay in ay jiri karaan mar walba qaladaad iyo danbiyo ka dhaca ciidamada maamulka gobollka, sidaa daraadeed loo baahan yahay in ay jirto hay’ad amni oo markiiba arintaa wax ka qaban karta.

"Ciidamada ayaa qalad gali kara, anaga mas’uuliyiinta ah ayaa qalad gali karna, mar walba cadaalada waa lagama maarmaan, sidaa daraadeed waxaa dalbaneynaa in maxkamada ciidamada qalabka sida la soo gaarsiiyo howlaheeda gobollka," ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobollka.

Baaqan ay jeedinayaan mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan  ayaa imanaya xili magaalada Baladweyne mud ku dhan todobo bilood ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka gobollka iyo kuwa dowladda Itoobiya, iyadoo marar badan oo kala duwanna ay soo booqdeen magaalada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG oo uu ka mid yahay wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya









Click here
7/11/2012 9:18 AM EST
Arbaco, July 11, 2012(HOL): Wefdi ka socda UN-ka, oo uu horkacayo xiriiriyaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta magaalada Boosaaso soo gaarey.

7/11/2012 9:08 AM EST
Arbaco, July 11, 2012(HOL): Magaalada Boosaaso waxaa maanta soo gaarey Eng. Maxamed Axmed Saalax oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada ee dalka. waxaana si diiran usoo dhoweeyey boqolaal kamid ah dadweynaha magaalada Boosaaso ku dhaqan.

7/11/2012 9:03 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal xalay ku dhexmaray degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aysan jirin warar sugan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas inta uu le'eg tahay.

7/11/2012 8:46 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta ka dhacay warshadii dharka ee Balcad, kaasoo ay ka qeyb-galeen waxgarad, nabadoonno iyo culumaa'uddiinka degmadaas.

7/11/2012 8:01 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya uu ka dilaacay cudurka daacuunka kaasoo saameyn ku yeeshay caruurta iyo dadka waaweyn ee ku nool degmadaas.

7/11/2012 7:33 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa bisha soo socota ee sannadkan ka dhici doona Muqdisho.

7/11/2012 6:44 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG Soomaaliya iyo oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa dagaal ku qabsaday maanta deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ahayd saldhig weyn oo Al-shabaab ay ku tababarto xoogaggeeda.