4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Ahlusunna Waljamaaca oo kulammo kula yeeshay Muqdisho Madaxda Dowladda Soomaaliya

Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Guddoomiyaha golaha fulinta Ahlusunna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Muqdisho ayaa waxay kulammo la yeesheen madaxda DKMG ah ee Soomaaliya iyagoo weydiistay in gacan laga siiyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Mas'uul ka tirsan wafdiga oo lagu magacaabo Xuseen Maxamuud Cosoble ayaa ugu sheegay saxaafadda Muqdisho inay toddobaadkii hore wafdigan soo gaareen Muqdisho ayna kulammo la yeesheen madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo xubno golaha wasiirrada ka tirsan.

"Wafdiga waxay maanta la kulmeen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xubno wasiirro ah waxayna kala hadleen xalaadda uu dalku marayo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab," ayuu yiri Xuseen Cosoble.

Sarkaalkan wuxuu sheegay in maalmo ka hor ay la kulmeen madaxweynaha ayna sidoo kale kala hadleen xaaladda uu dalku marayo iyo sidii dowladdu ay gacan uga siin lahayd Ahlusunna sidii ay u wiiqi lahaayeen awoodda xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gobollada dhexe.

"Innaga iyo dowladda way naga go'an tahay in si wadajir ah loola dagaalamo Al-shabaaab, waxayna tani ka mid ahayd waxyaabihii looga hadlay kulammadii aan kula yeelanay Muqdisho madaxda dowladda," ayuu Cosoble hadalkiisa ku daray.

Ma jiraan hadallo kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah oo ku saabsan kulammada ay Ahlusunna iyo madaxda DKMG ah ku yeesheen Muqdisho, kuwaasoo looga hadlay inta badan dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Wararka hoose ee la helayo ayaa waxay sheegayaan in Ahlusunna ay weydiisatay madaxda DKMG ah in hub iyo saanado ciidan ay dowladdu ku taageerto Ahlusunna oo dagaal adag kula jirta Xarakada Al-shabaab oo qaybo ka mid ah Galguduud ka talisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya