4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Ra'iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay wadfi ka socday Ingiriiska

Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta kula kulmay Muqdisho wafdi ka socda dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee Ingiriiska u qaabilsan, Matt Baugh, wuxuuna kala hadlay xiriirka labada dal, arrimaha Roadmap-ka, horumarka laga sameeyey go'aanadii shirkii Garowe iyo shirka 23-ka bisha Febraayo lagu wado inuu ka dhaco magaalada London.

Ergeyga Britain ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliyey booqashadiisa James Hooley oo arrimaha Soomaaliya u qaabilsan dalka Ingiriiska iyo xubno kale, waxayna ay mid mid ula kulmeen labadan mas'uul.

Ra'iisul wasaaraha DKMG ah iyo Matt Baugh oo shir jaraa'id wada qabtay ayaa ka bixiyay sharraxaad kulankii dhexmaray; iyadoo C/weli Gaas uu uga mahad-celiyay wafdiga Ingiriiska booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin Britain ay diyaarka ugu tahay inay beesha caalamka kala shaqeyso sidii arrimaha Soomaaliya meel looga soo wadajeesan lahaa.

"Waxaan filaynaa in shirka London uu noqdo shir wax weyn ka bedela arrimaha dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay," ayuu yiri ra'iisul waasaraha Soomaaliya oo shirka jaraa'id ka hadlay.

Sidoo kale, Matt Baugh ayaa sheegay in shirka London ka dhaca bisha Feberaayo ee soo socota lagu casuumay 40 mas'uul oo dunida ka socda, isagoo ku tilmaamay ujeedadiisu inay tahay sidii beesha caalamka ay uga midoobi lahaayeen xal u helidda arrimaha Soomaaliya, sida amniga, burcad-badeeda, gar-gaarka aadanaha iyo siyaasadda.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay inay rajeynayaan inuu shirkaas kasoo baxo qodobbo horumar u horseeda Soomaaliya, isagoo xusay in loo baahan yahay in shirka lagu tixgeliyo horumarka laga sameeyey Roadmap-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya