4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
AMISOM iyo DKMG ah oo saxaafadda tusay deegaannadii ay ku qabsadeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay

Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta koox saxafiyiin ah geeyay fariisimihii ay Al-shabaab kaga qabsadeen dagaalkii dhacay Jimcihii, waxaana goobaha la geeyay suxufiyiinta ka mid ahaa xarunta jaamacadda Muqdisho.

Xubnaha dowladda ee goobahaas tagay waxaa ka mid ahaa: wasiir u dowlaha wasaaradda gaashaandhigga, Maxamuud Macallin Nuur, abaanduulaha ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan), xidhibaan Axmed Diiriye Maxamed iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho.

Dhinaca AMISOM waxaa iyagana ka mid ahaa saraakiisha goobahaas geeyay suxufiyiinta afhayeenka ciidamada AMISOM, Maj. Paddy Ankunda iyo saraakiil sar-sare waxayna saxaafadda uga warbixiyeen goobaha ay la wareegeen.

"Sababta aan halkan u qabsannay waa inaan yareyno khasaare shacabka kasoo gaara dagaallada, waxaana doonaynaa inaan dhabarka dambe ka galno goobaha ay ka taliso Al-shabaab ee duleedyada Muqdisho," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo kula hadlay saxaafadda jaamacadda Muqdisho.

Abaanduuluhu wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab inta ay ka saarayaan dalka oo dhan, isagoo aan sheegin halka ay uga gudbi doonaan goobaha ay la wareegeen.

Saraakiil kale oo goobta ka hadlay ayaa iyaguna sheegay in tallaabadan ay hordhac u tahay qorshayaal ay ku doonayaan inay goobaha ka baxsan Muqdisho uga qabsadaan Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM waxay saldhiyo ka sameysteen meelo ka baxsan Muqdisho, halkaasoo ah dhul howd ah oo ay ka dambeeya qubuuraha Bakaraat oo dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya