4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Hay'adda HARO iyo WAMY oo iska kaashaday gargaar bani'aadamnimo oo la siiyay barakacyaal ku nool Muqdisho


Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Hay'adda samofalka HARO ayaa waxay gargaar isugu jira bur, bariis, sokor iyo saliid u qaybisay 550 ka mid ah barakacyaasha ku nool magaalada Muqdisho, waxaana deeqdan bixisay hay'adda WAMY.

Barakacyaasha gargaarka loo qaybiyay ayaa waxay ku jireen kaam lagu magacaabo Raaxoole oo ku yaalla degmada Waaberi, waxaana gargaarka oo la bixiyay maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay uu qoys walba helay 25-kg oo bur ah, 25-kg oo bariis ah, 10-kg oo sokor ah iyo laba caag oo saliid ah.

Madaxa howlaha ee HARO, Maxamed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in hay'adoodu ay bixisay gargaarka balse ay ku deeqday hay'adda WAMY, isagoo dadka gargaarka loo qaybiyay ku sheegay inay ahaayeen barkacayaal aan in muddo ah helin wax gargaar ah.

"Gargaarkan waa kii saddexaad oo aan sannadkan billowga ah ka bixinno Muqdisho, waxaana siinnay barakacayaal muddo dheer ay ugu dambeysay gargaar ay helaan," ayuu yiri Maxamed Xuseen oo xusay inay laba jeer ee sannadkan ay ka bixiyeen gargaarka ay siiyeen sidoo kale dad aan gargaar helin muddo bilooyin ah.


Hay'adda HARO ayaa sannadkii hore waxay gargaarro kala duwan ka bixisay dhowr gobol oo ay ka mid ahaayeen: Jubbooyinka, Bay iyo Bakool oo ay sameeyn xooggan ku yeesheen abaarihii ku dhuftay Soomaaliya.

"Gargaarka ugu badan sannadkii hore waxaan ka bixinnay Muqdisho, waayo waxay ahayd halkii ay kusoo jabeen dadkii gobollada uga soo cararay abaaraha, sidoo kale waxaan ugu tagtay dadkaas qaarkod goobihii ay ku sugnaayeen waxaana ku siinnay deeqo kala duwan," ayuu madaxa howlaha HARO u sheegay Hiiraan Online.

Qaar ka mid ah qoysaskii ka faa'iideystay gargaarka ayaa u mahadceliyay intii soo dhiibtay iyo intii soo gaarsiisay, waxayna sheegay in gargaarka uu kusoo beegmay xilli aysan gargaar helin muddo bilooyin ah.

Ugu dambeyn, madaxa howlaha hay'adad HARo wuxuu sheegay inay sii wadayaan howlaha ay ku caawinayaan dadka Soomaaliyeed ee barakacayaasha ah kuwaasoo ay saameynta xooggan ku yeesheen abaarihii ku dhuftay Koonfurta dalka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya