4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Weriyeyaal Magaalada Hargeysa loogu furay Tababar ku saabsan Qaabka loo tabiyo Arrimaha Xuquuqal Insaanka


Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa 15-suxufi uga furay hotel Sumar Time ee magaalada Hargeysa tababar ku saabsan qabtay loo tabiyo wararka ku saabsan arrimaha xuquuqal-insaanka.

Tababarkan oo socon doono shan cisho ayaa waxaa bixinaya wakaaladda wararka ee Qaramadda midoobay ee IRIN oo kaashanaysa ururka suxufiyiinta Somaliland, iyadoo wariyeyaasha ka qaybgalya la bari doonaan jidka loo maro tabinta wararka xuquuqda aadanaha ku saabsan iyo meelaha laga helo, macallimiinta bixin doona ayaa waxay isugu jiraan Soomaali iyo ajnabi.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland, Xasan Maxamed Yuusuf ayaa wariyeyaasha ka qaybgalay ku booriyey inay ka faa’iidaystaan, isla markaana casharadaasi ay baran doonaan la tagaan xarumaha ay ka hawlgalaan si ay uga faa’iideeyaan inta aan fursad u helin.


Xoghayaha Guud ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax , ayaa sheegay in tababarkani yahay mid muhiim ah casharada lagu baranayaa yihiin heerarka hoose iyo dhexe ee waxbarashada xirfada suxufinimada, isla markaana waxa uu u mahadceliyey wakaaladda IRIN oo ka caawisay dhinaca macallimiinta tababarka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mr. Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in tobabarka noocan oo kale ahi ay fiican yihii, isla markaana loo baahan yahay in tobabaro kale oo kor loogu qaadayo aqoonta Suxufiyiitnta la badiyo.

"Tobabarkani muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay suxufiyiinta waana mid loo baahnaa, waayo waxaynu nahay dal curdin ah oo u baahan dhisme aqooneed. Saxaafadda Somaliland waa mid xor ah waxaanay kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha dalkan, hadii ay noqoto nabadda iyo dhismaha dimuqraadiyadda."ayuu yidhi Agasimaha wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh.

Tobabarkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee ururkani la kaashaddo wakaalado kale si ay xirfadda saxaafadda loo kobciyo, korna loogu qaado aqoontoodda.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland