4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Kenya oo sheegtay inay tiro fara badan kaga dileen Al-shabaab dagaallo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ku dileen dagaal ka dhacay Koonfurta Soomaaliya 11 dagaalayahan oo ka tirsan Al-shabaab, dhankoodana looga dilay laba askari oo keliya.

Afhayeenka milateriga Kenya, Maj. Emannuel Chirchir ayaa sheegay in dagaalkan uu Axaddii shalay uu ka dhacay deegaanka Hoosigoow, isagoo sheegay in goobihii lagu dagaalamay ay ka saareen Al-shabaab.

"Nasiib-darro waxaan dagaalkaas ku luminnay laba askari oo Kenyan ah iyo askari Soomaali ah," ayuu yiri Maj. Chirchir oo intaas ku daray. "Al-shabaab waxaan kaga dilnay 11 dagaalyahan dagaalkaas."

Ma jirto khasaare kasoo gaaray dadka shacabka ah oo lasoo wariyay, iyadoo Kenya ay sheegtay inay aad uga xun tahay in Al-shabaab ay inta badan faafiyaan warar ku saabsan inay ciidammada Kenya kaga dilaan dagaallada askar fara badan.

Dowladda Kenya ayaa waxay ciidammo fara badan kasoo gudbisay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore, iyagoo sheegay inay kula dagaalamayaan gudaha Soomaaliya Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka tahay afduubiyo iyo dilal loogu geystay dalxiisayaal iyo samofalayaal Ajnabi ah.

Xarakada Al-shabaab oo ka talisa dhul ballaaran oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla ayaa waxay guulo ka sheegteen dagaal xalay ka dhacay deegaanka Taabto oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose, iyagoo xusay inay ku dileen askar badan oo Kenyan ah.

Ma jiraan ilo wareedyo ka madaxbannaan labada dhinac oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheegayaan, iyadoo gobolka Jubbada hoose uu noqday goob ay ku hardamaan labadan dhinac oo koox walba ay sheegayso inay in dhinaca kale uu ku fashilmay dagaalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya