3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Taliyaha Ciidamada AMISOM oo sheegay inay weerar ku yihiin deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho

Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Taliyaha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, Major Jen. Fred Mugisha ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin ciidamadooda deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.

Jen. Mugisha ayaa hadalkan u sheegay koox wariyeyaal ah oo uu maanta kula hadlay xarunta AMISOM ee Muqdisho, balse ma uusan sheegin xilliga rasmi ahaan ay u weerarayaan deegaannadaas oo ay daggan yihiin dad badan.

"Dhawaan ayaan qaadaynaa dagaal aan ku doonayno inaan ku gaarno degmada Afgooye, ma sugayno ciidammo lagu soo kordhinayo AMISOM," ayuu wariyeyaasha u sheegay Jen. Mugisha wuxuuse ka gaabsaday inuu xilli cayiman sheego.

Taliyaha AMISOM wuxuu intaas ku daray inay si dhameystiran xilligan gacanta ugu hayaan magaalada Muqdisho, qorshahooduna uu yahay inay ka saaraan Al-shabaab deeganaannada ku dhow-dhow caasimadda oo ay weerarrada kasoo qaadi karaan.

"Ma jirto cid naga soo horjeeda oo dagaal nala geli karta, taas awgeed waxaa naga go'an inaan dagaalka sii wadno si aan u xaqiijinno nabadda Muqdisho oo dhan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda, Burund iyo Jabuuti ayaa waxay tiradoodu tahay xilligan 10,000 oo askari, iyadoo Midowga Afrika uu dhawaan meel-mariyay in laga dhigo tiradooda 17,700 oo askari.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay iyaguna sheegayaan inay ka go'an tahay inay dib ugu laabtaan Muqdisho, iyadoo maalintii Sabtida ay diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ay ku dileen duuleedka Muqdisho, Bilal Al-berjaawi oo ahaa sarkaal sare oo dhinaca howlgallada ka caawin jiray Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/23/2012 8:30 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Guddoomiyaha golaha fulinta Ahlusunna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Muqdisho ayaa waxay kulammo la yeesheen madaxda DKMG ah ee Soomaaliya iyagoo weydiistay in gacan laga siiyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

1/23/2012 8:28 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta kula kulmay Muqdisho wafdi ka socda dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee Ingiriiska u qaabilsan, Matt Baugh, wuxuuna kala hadlay xiriirka labada dal, arrimaha Roadmap-ka, horumarka laga sameeyey go'aanadii shirkii Garowe iyo shirka 23-ka bisha Febraayo lagu wado inuu ka dhaco magaalada London.

1/23/2012 8:28 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta koox saxafiyiin ah geeyay fariisimihii ay Al-shabaab kaga qabsadeen dagaalkii dhacay Jimcihii, waxaana goobaha la geeyay suxufiyiinta ka mid ahaa xarunta jaamacadda Muqdisho.

1/23/2012 8:22 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Hay'adda samofalka HARO ayaa waxay gargaar isugu jira bur, bariis, sokor iyo saliid u qaybisay 550 ka mid ah barakacyaasha ku nool magaalada Muqdisho, waxaana deeqdan bixisay hay'adda WAMY.

1/23/2012 7:40 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa 15-suxufi uga furay hotel Sumar Time ee magaalada Hargeysa tababar ku saabsan qabtay loo tabiyo wararka ku saabsan arrimaha xuquuqal-insaanka.

1/23/2012 6:37 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ku dileen dagaal ka dhacay Koonfurta Soomaaliya 11 dagaalayahan oo ka tirsan Al-shabaab, dhankoodana looga dilay laba askari oo keliya.

1/23/2012 5:51 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dagaal xoogan oo xalay saqdii dhexe ilaa saaka waabarigii leedka deegaanka Taabto ee gobbalka Jubada hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah oo garab ka helaya kuwa kenya iyo xoogaga Al-shabab, iyadoona ay warar kala duwan ka soo baxaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

1/23/2012 5:08 AM EST
Dawlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u celinayso qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

1/23/2012 2:34 AM EST
Isniin, January 23, 2012(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay, laguna maamuusayey waxyaabihii sanadkii la soo dhaafay u qabsoomay Jaaliyadda Soomaalida ee Gobalka Arizona ee Wadanka Mareykanka (Somali American United Council of Arizona), ayaa xalay lagu qabtay magaalo madaxda Gobolkaasi ee Phoenix.

1/23/2012 2:16 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Wasaaradda gaashaandhigga dalka Uganda ayaa sheegtay in laba askari oo midkood uu ahaa sarkaal sare looga dilay dagaalkii ka dhacay Muqdisho Jimcihii lasoo dhaafay, kaasoo Xarakada Al-shabaab looga qabsaday dhul ay horay ugu sugnayd.

1/23/2012 2:08 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Madaxweyaha Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin ayaa dadaal ugu jira sii-daynta ruux u dhashay dalka Mareykanka oo maalin ka hor lagu afduubay koonfurta degmada Gaalkacyo.

1/23/2012 1:54 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Maxkamadda ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay dil toogasho ah ku fuilisay askari ka tirsanaa ciidamada DKMG ah oo horay ugu dilay degmada Hodan askari kale oo ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda Soomaaliya.

1/23/2012 1:49 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Ugu yaraan shan qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaallo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.