4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Warar ku saabsan dagaal xooggan oo xalay ka dhacay duleedka deegaanka Taabto ee Gobolka Jubada Hoose

Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dagaal xoogan oo xalay saqdii dhexe ilaa saaka waabarigii leedka deegaanka Taabto ee gobbalka Jubada hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah oo garab ka helaya kuwa kenya iyo xoogaga Al-shabab, iyadoona ay warar kala duwan ka soo baxaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalkaan waxaa uu ahaa mid aad u culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay dadka deegaanku sheegeenna dagaalkan wuu ka duwanaa kuwii hore ee maalmahaan deegaanadaasi ka dhacaayay.

Inkastoo ay warar kala duwan ka soo baxaan khasaraha dagaalka ka dhashay aya hadana waxa ay warar ku dhow dhow deegaanadii lagu dagaalamay ay sheegayaan in ilaa 10 qof oo u badan dhinacyadii dagaalka uu dhexmaray ay ku dhinteen halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo isla dhinacyada dagaalamay ah.

Sarakiisha ciidamada dowladda ee ku suggan Jubbada Hoose oo warbaahinta la hadalay guulo ka sheegtay dagaalka, iyagoona xusay in ay dib u riixeen xoogaga Alshabaab ee dagaalka soo qaaday.

Masuuliyiinta xarakada Al shabaab wali kama aysan hadlin dagaalkii xalay iyaga iyo ciidamada isbaheysiga ah ku dhexmaray duleedka deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalkani ayaa qeyb ka ah dagaallo ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo ay aalaaba xoogaga Alshabaab la beegsadaan saldhigyada ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanada ay ku suganyihiin ee galbeedka gobolka Jubbada hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya