4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Kenya oo sheegtay inay celinayso qaxootiga Soomaalida
Isniin, January 23, 2012(HOL) Nairobi , Kenya - Dawlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u celinayso qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Kenya waxaa ay sheegtay inay jiraan meelo ammaan ah oo gudaha Soomaaliya kamid ah, halkaas oo xeryo looga samayn karo qaxootiga Soomaalida.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada amniga ee Kenya  Francis Kimemia oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in Kenya aysan u sii dulqaadan doonin dadka qaxootiga ah ee lagu helo inay xiriir la leeyihiin ururka Alshabaab.

Waxaana uu tilmaamay in ay jiraan kooxo xiriir la leh Shabaab oo ka dambeeyay weeraro is daba joog ah oo lagu qaaday ciidamada ammaanka ee Kenya iyo shaqaalaha hay'adaha gargaarka ee ku sugan gudaha xerada Dhadhaab.

"Waxaa jira meelo ammaan ah oo ku yaal gudaha Soomaaliya kuwaasoo la sugay ammaankooda markii ay ciidamada Kenya hawlgalka ka bilaabeen gudaha Soomaaliya, qaxootigana waxaa la celin karaa wakhti walba ," Ayuu yiri Kimemia.

Waxaa uu ka codsaday madaxda xeryaha qaxootiga inay ka caawiyaan ciidamada Kenya soo qabashada kuwa looga shakisanyahay inay ku dhex dhuumaalaysanayaan dadka qaxootiga ah ee ka dambeeyay falalka ammaan darrada ah.

Hadalka kasoo yeeray dawlada Kenya ee ku aadan celinta qaxootiga Soomaalida ayaa walaac ku abuuraya in ka badan 400,000 oo Soomaali ah, kuwaasoo ku nool xeryaha qaxootiga.

Waxaana arrintan walaac ka muujiyay hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha oo ku doodaya in Soomaaliya aysan ahayn meel xasiloon oo lagu celin karo dadka qaxootiga ah.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya