3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Dowladda Uganda oo sheegtay in laba Askari ay kaga dhinteen dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho

Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Wasaaradda gaashaandhigga dalka Uganda ayaa sheegtay in laba askari oo midkood uu ahaa sarkaal sare looga dilay dagaalkii ka dhacay Muqdisho Jimcihii lasoo dhaafay, kaasoo Xarakada Al-shabaab looga qabsaday dhul ay horay ugu sugnayd.

Askar kale ayay sheegtay in wasaaraddu ay kaga dhaawacmeen dagaalkaas oo ay qayb ka qaateen ciidamada Uganda oo ka mid ah kuwa AMISOM ee gacan ka siiya dowladda KMG ah dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

"Laba ka mid ah askarteenna ayaa ku dhintay dagaalkii Muqdisho, mid ka mid ah wuxuu ahaa sarkaal lagu magacaabi jiray Capt. Julius Wandaba, midka kalena wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidamada lugta," ayaa lagu yiri warbixin uu wargeyska Daily Monitor kasoo xigtay wasaaradda gaashaandhigga dalka Uganda.

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa isla maalintii Jimcihii ku sheegay shir jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay in ciidamadooda ay laba askari kaga dhaawacmeen dagaalka wax dhimasho ahna aysan kasoo gaarin.

Sarkaal u hadlay Al-shababa ayaa isaguna sheegay inay dagaalkaas ku dileen ugu yaraan 14-askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, ayna ku gubeen dagaalkaas laba ka mid ah gaadiidka dagaalka ee AMISOM.

Hadalka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Uganda ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu sheego dhimashada askarta AMISOM kasoo gaartay dagaalkii ka dhacay Muqdisho Jimcihii lasoo dhaafay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gabi ahaan hadda gacanta ku haya ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya, waxayna tan iyo bishii Ogoosto ee sannadkii lasoo dhaafay wadeen inay isku ballaariyaan caasimadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/23/2012 8:30 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Guddoomiyaha golaha fulinta Ahlusunna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Muqdisho ayaa waxay kulammo la yeesheen madaxda DKMG ah ee Soomaaliya iyagoo weydiistay in gacan laga siiyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

1/23/2012 8:28 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta kula kulmay Muqdisho wafdi ka socda dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee Ingiriiska u qaabilsan, Matt Baugh, wuxuuna kala hadlay xiriirka labada dal, arrimaha Roadmap-ka, horumarka laga sameeyey go'aanadii shirkii Garowe iyo shirka 23-ka bisha Febraayo lagu wado inuu ka dhaco magaalada London.

1/23/2012 8:28 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta koox saxafiyiin ah geeyay fariisimihii ay Al-shabaab kaga qabsadeen dagaalkii dhacay Jimcihii, waxaana goobaha la geeyay suxufiyiinta ka mid ahaa xarunta jaamacadda Muqdisho.

1/23/2012 8:22 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Hay'adda samofalka HARO ayaa waxay gargaar isugu jira bur, bariis, sokor iyo saliid u qaybisay 550 ka mid ah barakacyaasha ku nool magaalada Muqdisho, waxaana deeqdan bixisay hay'adda WAMY.

1/23/2012 7:40 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa 15-suxufi uga furay hotel Sumar Time ee magaalada Hargeysa tababar ku saabsan qabtay loo tabiyo wararka ku saabsan arrimaha xuquuqal-insaanka.

1/23/2012 6:37 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ku dileen dagaal ka dhacay Koonfurta Soomaaliya 11 dagaalayahan oo ka tirsan Al-shabaab, dhankoodana looga dilay laba askari oo keliya.

1/23/2012 6:00 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Taliyaha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, Major Jen. Fred Mugisha ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin ciidamadooda deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.

1/23/2012 5:51 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dagaal xoogan oo xalay saqdii dhexe ilaa saaka waabarigii leedka deegaanka Taabto ee gobbalka Jubada hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah oo garab ka helaya kuwa kenya iyo xoogaga Al-shabab, iyadoona ay warar kala duwan ka soo baxaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

1/23/2012 5:08 AM EST
Dawlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u celinayso qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

1/23/2012 2:34 AM EST
Isniin, January 23, 2012(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay, laguna maamuusayey waxyaabihii sanadkii la soo dhaafay u qabsoomay Jaaliyadda Soomaalida ee Gobalka Arizona ee Wadanka Mareykanka (Somali American United Council of Arizona), ayaa xalay lagu qabtay magaalo madaxda Gobolkaasi ee Phoenix.

1/23/2012 2:08 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Madaxweyaha Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin ayaa dadaal ugu jira sii-daynta ruux u dhashay dalka Mareykanka oo maalin ka hor lagu afduubay koonfurta degmada Gaalkacyo.

1/23/2012 1:54 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Maxkamadda ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay dil toogasho ah ku fuilisay askari ka tirsanaa ciidamada DKMG ah oo horay ugu dilay degmada Hodan askari kale oo ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda Soomaaliya.

1/23/2012 1:49 AM EST
Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Ugu yaraan shan qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaallo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.