4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Madaxweynaha Galmudug oo dadaal ugu jira sii-daynta nin Mareykan ah oo lagu haysto degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Madaxweyaha Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin ayaa dadaal ugu jira sii-daynta ruux u dhashay dalka Mareykanka oo maalin ka hor lagu afduubay koonfurta degmada Gaalkacyo.

Col. Calin oo ku sugan deegaanka Wisil oo ku dhow degmada Hobyo ayaa wuxuu halkaas kawadaa dadaal uu ku doonayo in lagu si daayo ruuxa Mareykanka oo kooxaha hubeysan ay ku haystaan degmad Hobyo oo ka mid ah degmooyinka uu maamulkiisu ka taliyo.

"Madaxweynuhu shalay ayuu u ambabaxay Hobyo, wuxuuna ka qaybqaadanayaan dadaalka lagu doonayo in lagu sii daayo wariyaha," ayay yiraahdeen saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug oo saxaafadda la hadlay.

Inkastoo Col. Caalin uusan la hadlin saxaafadda ayaa haddana wuxuu u muuqdaa inuu dadaal badan ugu jiro sidii lagu siidayn lahaa ruugan reer galbeedka ah oo la sheegay inuu yahay Injineer u joogay Gaalkacyo sidii uu dib u dhis ugu sameyn lahaa dekedda Hobyo.

Degmada Hobyo ayaa waxaa ku sugan askar badan oo ka tirsan maamulka Galmudug kuwaasoo markii afduubku dhacay ku baxay halkaas, mana jiraan wax iskahorimaadyo ah oo ay la galeen kooxihii hubeysnaa ee afduubay ajabigan.

Weli waxaa deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud lagu haystaa laba qof oo caddaan ah iyo ruux Soomaali ah oo u shaqeynayay hay'adda miino-baarista dalka Denmar ee DDG, kuwaasoo bishii Oktoobar ee sannadkii hore laga afduubay inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Gaalkacyo.

Dableyda gacanta ku haysa ninkan Mareykanka ah ee dambe ayaan sheegan wax madaxfurasho ah, iyadoo aan la ogeyn sida uu xaalku isku bedeli doono haddii ay burburaan wadahadallada la doonayo in lagu sii-daayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya