9/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Dagaallo khasaare nafeed geystay oo xalay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir

Isniin, Jannaayo 23, 2012 (HOL) − Ugu yaraan shan qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaallo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Dagaalladan ayaa qarxay markii ay xoogagga Al-shabaab weerarro ku qaadeen fariisimo ay degmooyinkaas kaga sugayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, waxaana hoobiyeyaal lagu garaacay saldhigyada dowladda iyo xaafadaha lagu dagaalmaay.

"Hoobiye ku dhacay guri ku dhow xaafadda Kaxda waxaa ku dhintay wiil yar, hooyadii iyo aabihiinna way ku dhaawcmeen," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Dharkeynley, gaar ahaan xaafadda Kaxda oo ku taalla duleedka Koonfur-galbeed ee degmadaas.

Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay dagaallada ayaa sheegtay inay qayb ka yihiin weerarro ka dhan ah ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika oo ay kawaddo Muqdisho. Waxayna sheegeen inay weerarrada ku dileen askar fara badan.

Dowladda KMG ah iyo AMISOM ayaan ka hadlin dagaalladii xalay ka dhacay Kaaraan iyo Dharkeynley oo cirifyada Bariga iyo Koonfurta Muqdisho ku yaalla, iyadoo dadka ku nool ay habeennadii ugu dambeeyay ka cabanayeen weerarro ay Al-shabaab kusoo qaaddo degmooyinkaas.

Goobjoogayaal kale oo ku sugan degmooyinka lagu dagaalamay ayaa sheegay inay arkeen maydadka afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, kuwaasoo labada dhinac siteen, iyadoo khasaaruhu uu intan ka badan karo, maadaama hub culus ay labada dhinac isku adeegsadeen dagaalladuna ay socdeen muddo saacad ka badan.

Weerarrada isdaba-joogga ah ee Al-shabaab ku qaadayso fariisimaha ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa imaanaya xilli Jimcihii uu ka dhacay Muqdisho dagaal Al-shabaab looga qasaday deegaanno ay Muqdisho kaga sugnaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya