5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2012
Taliyaha Milatariga Somaliland oo ka hadlay dagaalkii Buuhoodle ka dhacay iyo Shirkii beelaha Sool ee Taleex

Jimco, Feberaayo 03, 2012 (HOL) − Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland, Jen. Maxamed Xasan Jidhif ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Milatariga Somaliland sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidankaasi.

Taliyuhu waxa kale oo uu ka hadlay dagaalkii Deegaanka Buuhoodle iyo xoojinta nabadgalyadda Somaliland iyo shir beeleedkii ka dhacay degmadda Taleex ee gobolka Sool.

" Gobolka Sool waxa ku soo duulay rag siyaasiyiin ah, kaas oo aan deegaanka habayaraatee waxba u qaban, caafimaadkii ummadda waxba ugu maqaban, noloshooda kale waxba ugu tarin, waxbarashadii waxba kama qaban, isaguu meelaha qurbaha ayuu ku nool yahay, caruurtiisu jaamacadaha dibadda ayey dhigtaan, nolol fiican bay ku nool yihiin, dawladda Somaliland dadaalka ugu jirto sidii arrimahaasi wax loogu qaban lahaa "ayuu yidhi taliyaha ciidamada Milatariga Somaliland.

"Beeluhu way shiri karaan wayna shiri jireen, Xukuumadda Somaliland waxay moodaysay shirkaasi in beesha Sool danahoodda kaga shirayaan, maadama oo ay gogol nabadeed taallo, waxa ay halkaas ku gooyaana ay kula iman doonaan gogoshii uu madaxweynuhu u fidiyey " ayuu yidhi isagoo ka hadlaya shirkii ka soo baxay magaaladda Taleex.

Mar kale isagoo ka hadlaya dagaalkii deegaanka Buuhoodle ka dhacay wuxuu yiri:"Maalintii odaygaasi yimid (Cali Khaliif Galaydh) reer Buuhoodle waxay isku qabteen laba arrimood, qaar waxay soo jeediyeen ninkan inaga daaya waxba inooma side, dagaal buu inoo sidaaye iyo qaar taageersan, marka dagaalka la sheegayaa waxa weeyi labadda kooxood weeyi, marka halkaas marayso cutub ka mid ah ciidamadayda ayaa kala dhexgalay dagaalkaasi si aanay dhibaato uga soo dhicin" ayuu yidhi.

" Haddii aad aragtaan gaadhi ciidanku leeyahay, wuxu ahaa gaadhi weyn oo xamuul ah ciidaamada jooga Buuhoodle oo Somaliland ah ayuu gaadhigu u waday Raashin, marka qoladii kale ee Nabadiidka ahaa ayaa isagoo gaadhigii gaadhin ciidankii dhexda ku qabtay" ayuu yidhi mar uu ka hadlayey gaadhi Saad ah oo gacanta u galay maleeshiyo Beeleedka Buuhoodle.

"Anigu waan aqaanaa dagaalka askarigaygana ma lumiyo, inkastoo dagaalku khasaare iyo dhimasho leeyahay hadana aniguu ilaa 1977 kii dagaal uun baan ku jiray, marka waligay maan arag noloshayda meel dagaal aan galay khasaare iga soo gaadhay, ciidamada meel halis ah oo dhibaato ka soo gaadhayso uma diro, marka yaan arrintaasi la buunbuunin waxba kama jiraan, kuwan iyo kuwaasiba labada waanu ilaalinaynaa, balse waxaanu ka difaacaynaa uun fidmawadayaasha" ayuu yidhi Gen: Jidhif

Taliyuhu waxa uu sheegay in Madaxweynuhu ku amray in aan ciidamaddu ilaaliyaan dadka shacabka si aanay dhibaato usoo gaadhin " madaxweweynuhu wuxu yidhi yaanay magaaladda, dadka, dumarka iyo Caruurta wax la yeelin, mana jirto ciidamada Qaranku cid dadkaasi oo dhibaato ka soo gaadhay ciidanka, hal qof oo caruur ah ama dumar ah oo ciidanka dhibaato ka soo gaadhay ma jirto"

Taliyuhu isagoo ka hadlaya sababta ay u baaqatay xafladii loogu dabaal degi jiray maalinta ciidanka Milatariga waxa uu yidhi " Sharciga Ciidanka ayaa dhigaya in marka uu Taliyuhu xilka hayo muddo gaadhaysa Lix bilood uu qaban karo Sanad-guurada Ciidanka qaranka, ana xilka waxaan hayey 45 maalmood, taas oo aan saamaxayn in aan warbixin dhamaystiran soo diyaariyo, taas ayaa keentay inay xafladii baaqato, meelo badan ayaanan soo marin, xeebta maan soo marin, Ceerigaabo meelo badan ayaanan soo marin, marka wax la hubo oo aan soo taabto ayaan ka warbixiyaa, taas ayaa keentay in xafladaasi baaqato "ayuu yidhi

Taliyuhu waxa uu Shacabka reer Buuhoodle iyo Sool u soo jeediyey inay Nabadgelyadooda ilaashadaan, isla markaana ay iska fogeeyaan qab-qableyaasha dagaalka ku oogaya deegaanadaas, waxaanu ka dhawaajiyey in Sunaha dawladnimo uu yahay in Ciiddamada Somaliland ay sugaan Xuduudaha Somaliland.

Sanad-guuradda 19aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Milatariga Somaliland ayaa ku beegan labada bisha Februay,kaas oo sanad kasta loo qabto xaflad loogu dabaal degayo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland