4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2012
Dhallinyarada Muqdisho oo kulan Talo is-dhaafsi ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan ay talooyin iyo su’aalo ay isku dhaafsanayeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxemed Cismaan Jawaari iyo dhallinyarada magaalada Muqdisho. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay yeeshaan madaxda dalka iyo dhallinyarada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL II; iyadoo fulintiisuna ay lahayd warbaahinta Qaranka, waxaana kulankan lagu weydiiyay su'aalo guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo dhallinyaraduna ay sidoo kale talooyin ka qaateen guddoomiyaha.

Dhalliyarada kulanka goobjoogga ka ahaa oo tiradoodu gaaraysay 300 oo ruux ayaa waxay sharraxeen qaabka ay jeclaan lahaayeen inay xukuumadda iyo baarlamaanku u shaqeeyaan. Iyadoo kulanka loogu duceeyay ardaydii Soonaaliyeed oo ku dhintay musiibooyinkii ka kala dhacay wakaaladdii hore ee hargaha iyo saamaha iyo hoteel Shaamoow; iyagoo Alle uga baryay inuu jannaadii ka waraabiyo.

Dhallinyaradii ka qaybgalay kulankaa ayaa waxay u mahad-celiyeen guddoomiyaha baarlamaanka iyagoo ka codsaday inaan marna laga hor-istaagin in fikaradahooda ay si toos ah ugu soo gudbiyaan madaxda Qaranka Soomaaliyeed.

Prof Jaawaari ayaa isaguna dhankiisa u ballanqaaday in baarlamaanku uu tix-galin doono shaqaaleynta dhallinyarada jaamacadaha ka baxay; maadaama ay marxalad adag wax kusoo barteen una dhabar adeygeen duruufihii adkaa ee uu dalku soo maray.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa soo bandhigay shax uu ugu magac daray “Arday-Xildhibaan” taasoo uu ku sharraxay in looga danleeyahay in ardayda iyo baarlamaanka mar walba ay iska warqabaan. Waxaana shaxda uu ku sheegay inay tahay mid fududeyn doonta in ardaydu xili kasta talooyinkooda uu soo gudbin karo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaannada.

Sidoo kale, Prof. Jawaari wuxuu ka dalbaday dhallinyarada Soomaaliyeed inay qortaan magacyada xildhibaannada ayna u soo gudbiyaan wixii talooyin iyo tusaale ah ee ay hayaan.

Ugu danbeyn, kulanka ujeeddadiisa ayaa waxay ahayd in bog cusub uu u furmo madaxda dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si ay wada-shaqeyn iyo isfaham u yeeshaan, talooyin iyo fakardana ay u wadaagaan. Iyadoo tani ay tahay tallaabo muujineysa isbadalka horumarineed ee dalka ka hirgalay; iyadoo dhallinyaradii kulankaas ka qaybgalay ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka ay la yeesheen Prof. Jawaari.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya