3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2012
Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah oo ka dhashay Natiijadii Doorashada Magaalada Hargeysa ee Xalay lagu Dhawaaqay

Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, ilaa lix qofna way ku dhaawacmayn rabshado xalay ka dhacay magaaladda Hargeysa ka dib markii lagu dhowaaqay natiijadii doorashadda golaha deegaanka ee magaaladda Hargeysa sida ay noo xaqiijiyeen hawl-wadeenadda caafimaadka ee Adna Cisbitaal oo la dhigay dhawaaci.

Dadweyne farabadan oo ka cadhaysan natiijadii lagu dhawaaqay ayaa iskugu soo baxay degmadda Axmed Dhagax ee magaaladda Hargeysa, taasina waxay keentay in ciidanka iyo dadkaasi isku dhacaan, ka dibna uu ciidanku rasaas ku furay dadkii mudaharaadka samaynayey, taasina ay keentay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi ayaa lagu dawaynayaaa cisbitaalka Adna ee magaaladda Hargeysa, waxaana xalay galin hore lagu kala rawaxay magaaladda, iyagoo laga baqayo in rabshaduhu usoo durkaan badhtamaha magaaladda Hargeysa.

Dadweynahan gadoodsan ayaa sheegay in la musuqmaasuqay codkoodii, isla markaana lagaga shubtay, sidaa darteed aanay ogolayn codadka uu komishanku dhawaaqeen.

Si kastaba ha ahaaatee, xaaladdda meelihii xalay rabshaduhu ka dhaceen ayaa degan, ilaa haddana lama sheegin khasaaraha ciidanka ka soo gaadhay iska hor imaadkaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
12/7/2012 2:21 PM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay toban kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax loo maleynayo bombka gacanta laga tuuro oo lala beegsaday Masaajidka Al-Hidaaya ee waddada Jaam Street ee xaafdda Eastleigh.

12/7/2012 8:04 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in hay'adda horumarinta caalamiga ah ee Turkiga [TIKA] ay dib u dhis ku sameyn doonto waddooyinka magaalada Muqdisho oo aan wax dayactir ah lagu sameyn tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

12/7/2012 7:21 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Afduubyadii ay burcadbadeedda Soomaalidu ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya ayaa sannadkan 2012 uu aad hoos ugu dhacay sida ay sheegtay hay'adda la socodka badaha bariga Afrika oo fadhigeedu yahay magaalada Mombassa ee dalka Kenya.

12/7/2012 2:59 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Ururka dhallinyarada SYL II ayaa bandhig lagu dhiiri-galinayo dhaqanka iyo afka Soomaaliga ku qabtay Muqdisho, bandhigan oo ay kasoo qeyb-galeen agaasimaha wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta Sare, Ismaaciil Macalin Cabdullahi ayaa si aad ah u soo dhaweeyay bandhigga sheegayna in wasaaradu ay dhiiri-gallin doonto dhaqanka Soomaaliyeed iyo afkaba.

12/7/2012 2:52 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay ra'iisul wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, iyagoo kawada hadlay sidi xiriirka labada dal loo xoojin lahaa.

12/7/2012 2:49 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska degmada Baydhabo ee gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan hay'adda FAO oo ay gacanta ku hayaan loo haysto dambi ah inuu la shaqeyn jiray Al-shabaab.

12/7/2012 2:49 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Komishanka ama guddiga doorashooyinka Somaliland ee magaaladda Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay natiijadii degmooyinka magaaladda Hargeysa, kaas oo si weyn loo hadal hayey.