3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 4 , 2012
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Xaaladda Bani'aadamnimo ee Somalia ka jirta ay weli u muuqato mid khatar ah
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay maanta oo Salaaso ah in xaaladda bani'aadamnimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ah, balse ay jiraan rajooyin ka dhalanaya isbedel siyaasadeed iyo midka ammaan ee dalka ka hirgalay.

Mas'uuliyiinta ka socday Qaramada Midoobay oo ka hadlay shir Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Muqdisho 20-sano kaddib ayaa sheegay in ay u baahan yihiin yihiin 1.3 bilyan oo doollarka Mareykanka ah si ay u caawiyaan 3.8 milyan qof oo Soomaali ah saddexda sano ee soo socota.

"Xaaladda bani'aadamnimo ee Soomaaliya weli waa mid khatar ah," ayuu yiri shirka-jaraa'id ka sheegay Stefano Porretti oo ah ku simaha xafiiska xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray in xaaladda Soomaaliya ka jirta ay tahay midda ugu ballaaran dunida.

Dalabka Qaramada Midoobay ee lacagaha lagu caawiyo dadka gargaarka u baahan ee Soomaaliya ayaa waxay imaanayaan iyadoo Al-shabaab laga saaray deegaanno badan oo ay horay uga talin jirtay, kuwaasoo la sheegay inay hay'adaha gargaarku ay dib howlahooda uga billaabeen.

"Horumarin lagu sameeyo ilaalinta xaaladda cunnada iyo isbedelka siyaasadeed iyo midka ammaan ee dalka ka jira ayaa waxay sahlayaan in laga hortago daadadka iyo abaaraha," ayuu Porretti.

Sannadkii 2001, Soomaaliya waxaa ku dhuftay abaaro sababay macluul dishay dad fara badan oo beeraley iyo xoolaley ahaa, kuwaasoo ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen ayna u soo bixi waayeen beerihii.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo isaguna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid uga tashanayeen dowladda iyo Qaramada Midoobay sida loo caawin karo shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

"Dhibaatooyinka bani’aadanimo ee Soomaaliya ka jira waxaa lagu xallin karaa dadaal xoogan iyo wadashaqeyn dhexmarta hay'adaha gargaarka iyo dowladda, waxaana bulshada caalamka uga mahad-celineynaa gargaarka ay waqtigan siinayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana ugu baaqaynaa Soomaalida inay hay'adaha gacan ku siiyaan sidii ay howlahooda u gudan lahaayeen," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Baaqan lacagaha lagu dalbanayo ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo Qaramada Midoobay ay kaga dhawaaqdo Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo ka badan labaatan sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/4/2012 11:46 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL)- Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa maanta laga soo dejiyey 5 maxbuus oo in muddo ah ku jirey xabsi ku yaalla Seychelles, kadib markii ay maxkamadi ku riddey xukunno kala duwan oo la xiriira falal Burcad-badeednimo oo ay ku lug lahaayeen.

12/4/2012 8:36 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Kooxda Xuquuqda aadamaha ee Midawga Yurub, Norway, Switzerland iyo Maraykanka ayaa ku baaqay in wax laga qabto meel ka dhacyada ka dhanka ah saxaafadda iyo weliba xad-gudubyada ku dhisan jinsiga.

12/4/2012 7:21 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali-gaab) ayaa ka hadlay dhaawac fudud oo uu u geystay askari la sheegay inay isbaaro u taallay jidka 21-Oktoobar ee degmada Waabeir ee Magaalada Muqdisho.

12/4/2012 6:56 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Maxaabiis budhcad badeed ah oo lagu soo maxkamadeeyey dalka Seychelles ayaa shalay lagu soo wareejiyey gacanta Somaliland.

12/4/2012 5:42 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) —Kooxo ku hubeysan baastoolado ayaa shalay gelinkii danbe toogasho ku dilay Sheekh siweyn looga yaqaanay magaalada Baardheere xilli uu kusii jeeday masaajid.

12/4/2012 3:19 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabo lagu adkeynayo ammaanka jidka isku xirta magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaanka Lambar 50 ee isla gobolka Shabeellada hoose, kaddib laba weerar lagu qaaday gaadiid kolonyo ah oo waday wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ka dhacay waddadaas.

12/4/2012 3:01 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiyo heer wasiir ah ay xukuumaddiisu u dirayso gobollada dhexe iyo magaalada Kismaayo oo uu weli ka taagan yahay muran dhinaca maamulka ah.

12/4/2012 2:42 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sideed askari oo ka tirsanaa ciidamadii dagaalamay ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Garsaale oo ku dhow degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

12/4/2012 2:25 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afar wasiir ay ku jiraan ayaa maanta u dhoofay dalka Turkiga, waxaana wafdigan sii sagootiyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.