4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 4 , 2012
Dagaal khasaare geystay oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ku dhow Jowhar
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sideed askari oo ka tirsanaa ciidamadii dagaalamay ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Garsaale oo ku dhow degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen ciidamada dolwadda, iyadoo dagaalkan uu noqonayo kii ugu cuslaa oo gobolka Shabeellada dhexe ku dhexmara ciidamada dowladad iyo Xarakada Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo, Asad Qaasim ayaa sheegay in 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaalka oo muddo saacado ah socday, isagoo sheegay in dhankooda uu kaga dhintay hal askari laba kalena ay kaga dhaawacmeen. Inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin weerarkii ay ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

"Xoogagga Al-shabaab ayaa nasoo weeraray 3:00 habeenimo ee xalay, dagaalkuna wuxuu socday muddo saacado ah, dhankeenna waxaa nooga dhintay hal askari, laba kalena way nooga dhaawacmeen, inatii aan aragnayna 13 Al-shabaab ah ayaa naftooda ku waayay goobta," ayuu yiri Qaasim.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka lagu dagaalmay ayaa sheegay inaysan jirin cid shacabka ah oo dagaalkii xalay wax ku noqotay, dagaalkuna uu deegaankooda ka dhacay, ayna arkeen markii uu dagaalku dhammaaday maydadka sideed ka mid ah dhinacyadii dagaalamay oo dhintay.

Xaaladda deegaankii lagu dagaalamay ayaa deggen saakay, iyadoo degaankaas ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM, waxaana saakay furmay isku socodka gaadiidka isaga goosha Muqdisho iyo degmada Jowhar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya