4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2012
Cudur halis ah oo ay keento Kaneecada oo ka dillaacay Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya
Isniin, December 31, 2012 (HOL) —  Degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo ku dhow xuduudda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka dillaacay cudur halis ah oo wata qandho daran, iyadoo saraakiisha caafimaadka ay dagaal kula jiraan sidii cudurkaas ay u xakameyn lahaayeen.

Boqolaal qof oo ku nool Mandheera ayaa ayaa la sheegay in lagu arkay calaamadaha cudurkan, iyadoo cudurkan uu yahay mid ay ku fida qaniinyada kaneecada, waana markii saddexaad ee gobolkaas uu ka dillaaco cudurkan.

Dhakhaatiirta degmada ayaa u sheegay warbaahinta in cudurkan uu ku faafo nadaafad-darrada, iyadoo cudurkan uu awood u leeyahay inuu dilo qofka uu ku dhaco.

Shacabka ku nool degmada Mandheera ayaa lagu boorriyay inay habeenkii hoosta ka galaan maryo-kaneecooyinka si ay uga nabadgalaan qaniinyada kaceeda, sidoo kalena ay ku dadaalaan nadaafadda deegaannada ay ku nool yihiin, taasoo qayb weyn ka qaadan karta hoos u dhaca cudurkan.

Cudurkan ayaa waxaa calaamadiisa ka mid ah: qandho badan, madax-xanuun joogto ah, xanuun indhaha dushooda ah, murqo xanuun iyo qaybaha laama ee jirka oo iyaguna xanuun uu ka dareemayo qofka, matag, dhiig badan oo afka ka yimaada iyo neefsashada oo ku adkaata.

Howlwadeennada caafimaadka ee gobolka Waqooyi-bari ayaa sheegay in cudurkan uusan lahayn wax dawo ah, balse qofka loo sameyn karo xannaano iyo in dawooyin qandhada ka jabiya la siiyo, iyadoo cudurkan uu qofka haynayo muddo saddex toddobaad ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya